Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib safarro shaqo oo uu ku tagay Sucuudiga iyo Itoobiya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha oo ka qayb galay shirkii degdegga ahaa ee Jaamacadda Carabta iyo kii caadiga ahaa ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa uga mahadceliyay Boqorka iyo Dhaxal-sugaha sidii diirranayd ee isaga iyo wafdigiisa …