Bayannada

Madaxweyne Farmaajo oo magaalada Nayroobi kulan kula yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo magaalada Nayroobi kula kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa ku bogaadiyay dareenka waddaniyeed ee ay u qabaan dalkooda iyo doorka wanaagsan ee ay ka qaataan xal u helista duruufaha ku xeeran. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, …

Madaxweyne Farmaajo oo magaalada Nayroobi kulan kula yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Qaramada Midoobey ee Horumarka iyo Dadweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee Horumarka iyo Dadweynaha oo ka furmay magaalada Nayroobi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal muuqda gelisay awoodsiinta dhallinyarada iyo in ay kaalin hoggaamineed ka qaataan dalka. Madaxweynaha ayaa la wadaagay madaxda, masuuliyiinta iyo ka qeyb galayaasha shirkan dhibaatooyinka …

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Qaramada Midoobey ee Horumarka iyo Dadweynaha Read More »

Marwada Koowaad ee Dalka oo Mareykanka ka bilowday dardar-gelinta ololaha loogu gurmanayo dadka fatahaaddu ay saameeyeen

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macallin ayaa Gobollada dalka Mareykanka ka bilowday Olole loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ay kasoo gaartay fatahaadda Gobollada Hiiraan, Bakool iyo Gedo. Ololahan ayaa si gaar ah wax loogu tarayaa haweenka iyo dhallaanka ay noloshooda saameynta xoogga leh ay ku yeesheen fatahaaduha, maadaama ay yihiin qeybta ugu ballaaran …

Marwada Koowaad ee Dalka oo Mareykanka ka bilowday dardar-gelinta ololaha loogu gurmanayo dadka fatahaaddu ay saameeyeen Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Nairobi kaga qayb-gelaya Shirka Caalamiga ah ee Dadweynaha iyo Horumarka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kaga qayb-gelaya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey. Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee …

Madaxweyne Farmaajo oo Nairobi kaga qayb-gelaya Shirka Caalamiga ah ee Dadweynaha iyo Horumarka Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo faray Hay’adaha Dowladda in la dardar geliyo Hawlaha Gurmadka Fatahaadaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta socdaal u kuur-gal ah ku tagay magaalada Baladweyne ayaa la wadaagay bulshada iyo maamulka heer Degmo iyo Heer Dowlad Goboleed ee Hirshabeelle sida ay uga go’an tahay hay’adaha heer Federaal samata-bixinta dadkeenna dhibaataysan iyo xal u helista musiibadan dabiiciga ah. Madaxweynaha ayaa qiimeeyey gacanta ay …

Madaxweyne Farmaajo oo faray Hay’adaha Dowladda in la dardar geliyo Hawlaha Gurmadka Fatahaadaha Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal hambalyo ah u diray dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan maalinta Jamhuuriyadda dalka Turkiga waxa uu u diray dhiggiisa dalkaas Mudane Rajab Dayib Ordogaan. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga ee aan walaalaha nahay horumarka ay ku tallaabsadeen tan iyo sannadkii 1923-dii markaas oo dhidibbada loo taagay Jamhuuriyadda …

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal hambalyo ah u diray dhiggiisa dalka Turkiga Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo muwaadiniinta ku dhibaateysan fatahaadaha

Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo muwaadiniinta ku dhibaataysan fatahaadaha deegaannada Hiiraan, Bakool iyo Gedo. Wasiirrada Xukuumadda ee Xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixinta …

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo muwaadiniinta ku dhibaateysan fatahaadaha Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Maamulka Dakhliga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maamulka Dakhliga oo qeyb ka ah dhammeystirka hannaanka Maamul-wanaagga iyo hufnaanta Maaliyadeed ee dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay hawshan qiimaha leh uga mahadceliyay …

Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Maamulka Dakhliga Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Madasha Iskaashiga Afrika iyo Ruushka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Ruushka iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee haatan horyaalla labada dhinac. Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda iskaashiga Afrika iyo Ruushka oo uu sheegay in uu yahay mid labada dhinac faa’iido u leh, isagoo xusay …

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Madasha Iskaashiga Afrika iyo Ruushka Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb-galaya Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Ruushka oo ay kaga qayb galayaan Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika. Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 23-ka ilaa 24-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan …

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb-galaya Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika Read More »

Scroll to Top