Bayannada

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharciga Maareynta Maaliyadda Guud iyo sharciga Shirkadaha Ganacsiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maareynta Maaliyadda Guud iyo sharciga Shirkadaha Ganacsiga oo hagaya qorsheyaasha dowladda ee dib u habeynta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuq-maasuqa. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka dadaalka ay ku bixiyeen sidii loo turxaan bixin lahaa, loona dhammeystiri lahaa sharciyadan oo waxtar …

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharciga Maareynta Maaliyadda Guud iyo sharciga Shirkadaha Ganacsiga Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo kulan wadatashi la qaatay Xildhibaannada Haweenka ah ee ka tirsan Baarlamaanka FS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo kulan wada tashi ah la qaatay Xildhibaannada haweenka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa kala hadlay dhameystirka xeerarka iyo sharciyada ku saleysan horumarinta haweenka iyo dhallaanka ee horyaalla Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Haweenka Labada Aqal ee Baarlamaanka dadaalka ay …

Madaxweyne Farmaajo oo kulan wadatashi la qaatay Xildhibaannada Haweenka ah ee ka tirsan Baarlamaanka FS Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Daah furay Wajigii 2-aad ee Manhajka Dugsiyada Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo daah-furay Manhajka Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee dalka ayaa tilmaamay in Dowladda ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalkeenna. Madaxweynaha ayaa manhajkan ku daahfuray Dugsiga Maxamuud Mire ee magaalada Muqdisho, iyada oo loo qoondeeyey in ay ka faa’iideystaan …

Madaxweyne Farmaajo oo Daah furay Wajigii 2-aad ee Manhajka Dugsiyada Dalka Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf ku maamuusay ka qeyb-galeyaashii Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay dhallinyaro ka socotay dalladaha iyo ururrada heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee ka qeyb galey Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed 2019-ka. Madaxweynaha ayaa uga xog warramay dhallinyaradeenna qorsheyaasha ku qotoma awoodsiinta siyaasadeed iyo dhaqaale ee dhallinyarada, kuwaas oo Dowladdu …

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf ku maamuusay ka qeyb-galeyaashii Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Read More »

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo dhaweysay dib u habeynta qaab-dhismeedka IGAD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shir-Madaxeedka joogtada ah ee 13-aad ee IGAD ayaa soo dhaweeyey qorshaha dib u habaynta Urur Goboleedka IGAD oo ay isku raaceen Madaxda ka soo qeyb gashay meertadan. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garowsanayd fursadaha horumarineed, iskaashi iyo ganacsi ee muhiimka ka dhigay dib u …

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo dhaweysay dib u habeynta qaab-dhismeedka IGAD Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya shir Madaxeedka IGAD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shir Madaxeedka Caadiga ahaa ee Urur Goboleedka IGAD. Madaxda dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku …

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya shir Madaxeedka IGAD Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Japan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Japan u qaabilsan Soomaaliya. Danjiraha Boqortooyada Japan Mudane Horie Ryoichi ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka dalkiisa Boqor Naruhito iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Mudane Shinzō Abe, waxa uuna ka mahadceliyay ka qeyb …

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Japan Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay isxilqaameyaasha Gurmadka Fatahaadaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay xubno matalayey isxilqaameyaasha howlaha Gurmadka Fatahaadaha ee qaar ka mid ah gobollada dalka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya. Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan dadaallada gurmadka ee shacabka Soomaaliyeed ay u fidinayaan walaalahooda ku dhibaataysan fatahaadda waxa uu ka dhageystay xubnahan oo isugu …

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay isxilqaameyaasha Gurmadka Fatahaadaha Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Qaabilay Madaxweyne Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo ku soo booqday hooyga Madaxweynuhu uu ku degan yahay magaalada Nayroobi. Labada Madaxweyne oo iska xog-wareystay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Gobolka, xiriirka labada dal iyo fursadaha iskaashiga ee labada shacab ee dariska. …

Madaxweyne Farmaajo oo Qaabilay Madaxweyne Uhuru Kenyatta Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo tacsi u diray Raiisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi geerida ku timid hooyadii

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Raiisul Wasaarihii Hore ee Xukuumaddii Kumeelgaarka ahayd Mudane Cali Maxamed Geeddi uga tacsiyeeyey geeridii ku timid Alle ha u naxariistee hooyo Kutubeey Maxamuud Barroow. Madaxweyne Farmaajo waxa uu u rajeyey walaalkiis Raaiisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo dhammaan qoyska ay ka baxday marxuumaddu in uu Alle …

Madaxweyne Farmaajo oo tacsi u diray Raiisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi geerida ku timid hooyadii Read More »

Scroll to Top