MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY SHARCIYADA CUNAQABATEYNTA MAALIYADEED EE CAYIMAN, HAY’ADDA SIRDOONKA IYO NABAD-SUGIDDA QARANKA IYO KORONTADA QARANKA
Muqdisho, Maarso 08, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya hirgelinta hannaan dowladnimo oo ku dhisan sharci iyo xeerar nidaamiya hay’adaha iyo awoodda dowladda ayaa saxiixay Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka iyo Sharciga Korontada Qaranka. Munaasabadda saxiixa sharciyadda oo ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa …