Uncategorized

Madaxweyne Farmaajo oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Xasan Abshir Faarax

Muqdisho, Luuliyo 12, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga. Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku u adeegayay dalkeenna, taas oo muujineysa hammiga …

Madaxweyne Farmaajo oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Xasan Abshir Faarax Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka Puntland

Muqdisho, Luuliyo 12, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday Dalka Kenya. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu kaalin mug leh ka soo qaatay aas-aaska Dowlad Goboleedka Puntland, isaga oo noqday Madaxweynihii 2-aad iyo sidoo kale …

Madaxweyne Farmaajo oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka Puntland Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Soo Dhaweeyay Baaqa Golaha Wasiirada ee Doorashooyinka

Muqdisho, Luuliyo 09, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay baaqa Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in doorashada soo socota ay ku qabsoonto waqtigeeda. Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dimuqraadiyadda dalka iyo in la sii horumariyo hannaanka doorasho, iyada oo mar walba awoodda loo …

Madaxweyne Farmaajo oo Soo Dhaweeyay Baaqa Golaha Wasiirada ee Doorashooyinka Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Billad Sharaf Guddoonsiiyey Xubno ka tirsanaa Guddigii Qaban-qaabada 60-guurada

Muqdisho, Luuliyo 09, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho Sharaf ku maamuusay Guddigii Todobaadka Xoriyadda iyo Midnimada, hormuudka Olalaha Isxilqaan iyo Maamulka Warbaahinta gaarka loo leeyahay. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dul istaagay dadaalka wadajirka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku bixinayaan dowlad dhiska, midnimada iyo soo celinta …

Madaxweyne Farmaajo oo Billad Sharaf Guddoonsiiyey Xubno ka tirsanaa Guddigii Qaban-qaabada 60-guurada Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Villa Soomaaliya ku Qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Muqdisho, 4ta Luuliyo, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Mudane Qin Jian. Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha. Sidoo kale, labada dal waxa …

Madaxweyne Farmaajo oo Villa Soomaaliya ku Qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka u Jeediyey Khudbaddii Maalinta Xornimada iyo Midnimada ee 1-da Luuliyo

Muqdisho, 01-da Luuliyo, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaga qayb-galay Tiyaatarka Qaranka Munaasabadda Xuska 1-da Luuliyo ayaa shacabka ku adkeeyey in ay ka shaqeeyaan midnimada, dib u dhiska iyo awoodsiinta hannaanka dowladnimada oo ah waddada kaliya ee aynu kula tartami karno shucuubta caalamka. Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda iyo dadaalkii dadkii …

Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka u Jeediyey Khudbaddii Maalinta Xornimada iyo Midnimada ee 1-da Luuliyo Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray Madxafka Qaranka

Muqdisho, Luuliyo 01, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray Madxafka Qaranka ayaa ku bogaadiyey dhallinyaradii isu xilqaamay dib u dhiska Madxafka, ganacsatada Soomaaliyeed iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda sida ay uga mira dhaliyeen baaqii ku saabsanaa in dib loo dhiso xarumaha danta guud, bilicda iyo kaabeyaasha nolasha. Madaxweynaha …

Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray Madxafka Qaranka Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Ubax Dhigay Taallada Dhagaxtuur

Muqdisho, 01 Luuliyo, 2020; Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weynaynaya Todobaadka Xorriyadda, midnimada iyo geesiyaashii naftooda u huray halgankii gobonnimo doonka dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur oo ka mid ah xusuusaha halgankii dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga. Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 01-da Luuliyo oo ku beeggan …

Madaxweyne Farmaajo oo Ubax Dhigay Taallada Dhagaxtuur Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Xarigga Ka Jaray Wajiga Koowaad ee Dib U Dhiska Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho

Muqdisho, Juun 30, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dib u dhiska Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho ayaa faray Xukuumadda in ay sii dhammeystirto qorshaha dib u soo celinta Tuulada Ciyaaraha oo muhiim u ah soo nooleynta tartannada ciyaaraha kala duwan ee dalkeenna. Madaxweynaha ayaa …

Madaxweyne Farmaajo oo Xarigga Ka Jaray Wajiga Koowaad ee Dib U Dhiska Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey Guusha Diblumaasiyadeed ee Hoggaaminta Golaha Guud ee QM

Muqdisho, Juun 30, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo Goleyaasha DFS guusha taariikhiga ah ee dhanka diblumaasiyadda, kaddib markii dalkeenna loo doortay Guddoominta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Mareegaha Internetka kula …

Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey Guusha Diblumaasiyadeed ee Hoggaaminta Golaha Guud ee QM Read More »

Scroll to Top