Uncategorized

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LA QAATAY GUDDOONKA MIDOWGA ARDAYDA SOOMAALIYEED EE DALKA UGANDA

Muqdisho, May 13, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Uganda ayaa ku dhiirrigeliyey dadaalka ay ugu jiraan horumarinta naftooda iyo hamiga ay u hayaan dib u dhiska dalkooda. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga warbixiyey Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda dadaallada …

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LA QAATAY GUDDOONKA MIDOWGA ARDAYDA SOOMAALIYEED EE DALKA UGANDA Read More »

MADAXWEYNE FARMAAJO OO HAMBALYADA CIIDDUL FIDRIGA U DIRAY SHACABKA SOOMAALIYEED

MADAXWEYNE FARMAAJO OO HAMBALYADA CIIDDUL FIDRIGA U DIRAY SHACABKA SOOMAALIYEE Kambaala, May 12, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan bilashada bisha Soonfur iyo munaasabadda qiimaha badan ee Ciidul Fidriga. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boorriyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo …

MADAXWEYNE FARMAAJO OO HAMBALYADA CIIDDUL FIDRIGA U DIRAY SHACABKA SOOMAALIYEED Read More »

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNE YOWERI MUSEVENI

Kambaala, May 12, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim oo ka qeyb galay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa soo bandhigay doorka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadaneyso xoojinta nabadda iyo horumarinta shucuubta Geeska Afrika. Madaxweynaha ayaa tilmaamay …

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNE YOWERI MUSEVENI Read More »

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHIGGIISA DALKA UGANDA

Muqdisho, May 11, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed la qaatay Dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni. Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay madaxdu isku raaceen adkeynta xiriirka qotada dheer ee ku dhisan iskaashi iyo wax wadaqabsi. Madaxweyne …

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHIGGIISA DALKA UGANDA Read More »

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GELAYA CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA UGANDA

Muqdisho, May 11, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Kambaala ee Caasimadda Dalka Uganda. Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni oo ku martiqaaday xafladda qaar ka mid ah Madaxda caalamka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku …

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GELAYA CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA UGANDA Read More »

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyda Qaranka oo sanadkii Afaraad ciid-siiyay Agoonta Wariyeyaashii Muqdisho ku geeriyooday

Muqdisho, May 10, 2021; Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Qaranka Soomaaliyeed ayaa lacago loogu talagalay in lagu ciid-siiyo caruurta Agoonta ah ee ay ka tageen  Suxufiyiintii ku geeriyooday Muqdisho laga soo billaabo sanadkii 2007-dii u qeybiyay ku dhawaad 30 qoys. Madaxa xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirisaaq Jaamac Cilmi Black, oo guddi matalayay Warbaahinta …

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyda Qaranka oo sanadkii Afaraad ciid-siiyay Agoonta Wariyeyaashii Muqdisho ku geeriyooday Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Saraakiishii ku shahiiday Qaraxii Magaalada Muqdisho

Muqdisho, May 10, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanya leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen saraakiishii, saraakiil xigeenkii, askartii iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni iyo wadajir, …

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Saraakiishii ku shahiiday Qaraxii Magaalada Muqdisho Read More »

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN AFUR AH LA QAATAY GANACSATADA SOOMAALIYEED

Muqdisho, May 8, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan afur ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyay doorka ay ka qaateen horumarinta dhaqaalaha dalka, xoojinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladdu ay ka miro-dhalisay …

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN AFUR AH LA QAATAY GANACSATADA SOOMAALIYEED Read More »

Madaxweyna Farmaajo oo Kulan Afur ah la Qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed

Muqdisho, May 8, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan afur ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyay doorka ay ka qaateen horumarinta dhaqaalaha dalka, xoojinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha.   Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladdu ay ka …

Madaxweyna Farmaajo oo Kulan Afur ah la Qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed Read More »

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA XILDHIBAAN CABDULLAAHI SHEEKH ISMAACIIL

Muqdisho, May 7, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ahaa mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil uu muddo dheer …

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA XILDHIBAAN CABDULLAAHI SHEEKH ISMAACIIL Read More »

Scroll to Top