24-08-2023: Muqdisho Somalia:- Kaddib markii uu arkay khibraddiisa iyo waaya aragnimadiisa dhinacyada maamulka qorsheynta iyo dowlad dhiska, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay mudane Cabdixakim Maxamed Yusuf agaasimaha guud ee madaxtooyada qaranka.
Mudane Yusuf ayaa leh ku dhawaad labaatan sano oo khibrad shaqo ah, isaga oo horey uga soo shaqeeyay dhinacyada dowlad wanaagga, sara u qaadidda iyo kobcinta tayada dowladaha ay hareeyeen khilaafaadyada iyo dowladaha nugul. Waxaana uu aqoon qota dheer u leeyahay nabadda iyo xalinta khilaafaadka, ka shaqeynta siyaasad loo dhan yahay iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Inta ugu badan agaasime Yusuf waxaa uu ku foogganaa ka shaqeynta dadaallada xasilooni kusoo dabaalidda dalka isaga oo ka shaqeeyay mashaariicyo horumarineed oo muhiim u ahaa dowlad dhiska Soomaaliya tan iyo bilowgii xirfaddiisa. Waxaa uu si dhow ula shaqeeyay bulshada qeybaheeda kala geddisan, hey’adaha, saaxibbada caalamiga ah, iyo hay’adaha dowliga ah heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Ka hor inta aan loo magacaabin agaasimaha guud ee madaxtooyada waxaa uu ahaa la taliye sare oo madaxweyne, isaga oo ka shaqeynayay waaxda isku xirka siyaasadda qaran ee xafiiska madaxweynaha. Tayadiisa aqooneed waxa ay u sahashay in uu talooyin wax ku ool ah ku siyaadsho madaxweynaha madalladii golaha wadatashiga qaran iyo la macaamilka bah wadaagta caalamiga ah.
Agaasime Cabdixakim waxaa uu shahaaddada heerka labaad ee horumarinta caalamiga iyo qorsheynta mashaariicda ka sameyay jaamacadda Bradford ee dalka Ingiriiska.
Magacaabidda Mudane Yusuf waxa ay dogobyo sii saari doontaa dadaalka madaxweynaha jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta Soomaali hufan oo heshiis ah, dunidana heshiis la ah.