Abdirashid Hashi

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u tacsiyeeyay qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Addis Ababa. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka …

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) Read More »

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir doorka ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka dhegeystay Guddoonka iyo Hawlwadeennada Gobolka Banaadir warbixin ku saabsan waxqabadkooda iyo qorshaha maamul ayaa ku bogaadiyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo udub-dhexaad u ah horumarka …

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir doorka ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Bogaadiyey Guulaha Qaran ee Ciyaaraha Fudud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka munaasabad dhiirrigelin iyo maamuus ah ugu sameeyey Orodyahanno Soomaaliyeed oo billado ka soo hooyay tartanno heer Gobol iyo heer Caalami ah oo la qabtay bilowga sanadkan. Munaasabaddan ayaa abaalmarinno lagu guddoonsiiyey Cabdullaahi Jaamac Maxamed, Cabdisalaam Maxamed Axmed iyo Cabdi Daa’uud Rooble oo kaalmaha hore …

Madaxweyne Farmaajo oo Bogaadiyey Guulaha Qaran ee Ciyaaraha Fudud Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan dalalka Geeska Afrika Mudane Alexander George Rondos oo uu weheliyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolás Berlanga Martinez Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Rondos ayaa sidoo kale iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo dadaallada lagu xoojinayo …

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Read More »

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib safarro shaqo oo uu ku tagay Sucuudiga iyo Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha oo ka qayb galay shirkii degdegga ahaa ee Jaamacadda Carabta iyo kii caadiga ahaa ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa uga mahadceliyay Boqorka iyo Dhaxal-sugaha sidii diirranayd ee isaga iyo wafdigiisa …

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib safarro shaqo oo uu ku tagay Sucuudiga iyo Itoobiya Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Makka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay Meertada 14aad ee Shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka kaasoo diiradda lagu saarayay iskaashiga, amniga iyo horumarka dalalka Islaamka. Shirkan ayaa laga soo saaray baaq wadajir ah oo loogu magac daray ‘Baaqa Makka’ kaasoo adkeynaya midnimada Dowladaha Iskaashiga Islaamka, lagagana soo horjeestay ururrada argagixisada iyo …

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Makka Read More »

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Shir Madaxeedka dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka kaga qeyb galaya Makka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada barakaysan ee Makka kaga qeyb gali doona Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC). Meertada 14-aad ee Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu marti qaaday hoggaamiyeyaasha 57-dal ee ku bahoobay ururkan ayaa waxaa lagaga arrinsanayaa la dagaallanka argagixisada iyo fikirka gurracan ee xagjirnimada, qadiyadda Falastiin …

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Shir Madaxeedka dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka kaga qeyb galaya Makka Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkar in uu noqdo Danjiraha dalkeenna u qaabilsan dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudiga. “Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u …

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib u ugu soo laabtay kaddib caleema-saarkii Madaxweynaha Koonfur Afrika

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dib ugu soo laabtay dalka kaddib markii uu kasoo qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afika Mudane Cyril Ramaphosa. Madaxweynaha ayaa inta aanu kasoo ambabixin dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas, isagoona la wadaagay …

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib u ugu soo laabtay kaddib caleema-saarkii Madaxweynaha Koonfur Afrika Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Guddoomiye K/Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee G/Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir. “Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay waayo-aragnimada uu mudanuhu xilkan loo magacaabayo u leeyahay howlaha loo magacaabayo waxa uu soo saaray xeerkan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay …

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Guddoomiye K/Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee G/Banaadir Read More »

Scroll to Top