Abdirashid Hashi

Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Maalinta Calanku ay muhiimad weyn u leedahay Soomaaliya maaddaama oo ay ku beegan tahay markii la taagay Calankii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey oo xor …

Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo kala qeyb galay Hoggaamiyeyaasha Dalalka Geeska Afrika furitaanka Beerta Midnimada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey furitaanka Beerta Midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey dalka Itoobiya ayaa sheegay in fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee labada dal. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalalka Gobolka ay ka …

Madaxweyne Farmaajo oo kala qeyb galay Hoggaamiyeyaasha Dalalka Geeska Afrika furitaanka Beerta Midnimada Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Addis Ababa ayaa waxa Garoonka Diyaaradaha ee Bole si diirran ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy, waxa ayna ka wada hadli doonaan adkeynta xiriirka labada dal iyo …

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Itoobiya Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga iyo Taliyeha Ciidanka Lugta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Maxamed Cali Bariise ayaa wareegto ugu magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxa uuna u magacaabay Taliyeha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u …

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga iyo Taliyeha Ciidanka Lugta Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Wafdigiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kaga qaybgalay munaasabad casho-sharaf oo lagu maamuusayo wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo madasha kelmad soo dhaweyn ah ka jeediyay ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud iyo wafdigiisa …

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Wafdigiisa Read More »

MADAXWEYNE FARMAAJO OO FURAY KALFADHIGA 6-AAD EE GOLAHA SHACABKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhigan ayaa dul-istaagay muhiimadda sharciyada uu meel mariyey muddadii la soo dhaafay, kuwaas oo gundhig u ah aas-aasidda qarannimo Soomaaliyeed oo taabba-gal ah, …

MADAXWEYNE FARMAAJO OO FURAY KALFADHIGA 6-AAD EE GOLAHA SHACABKA Read More »

Khudbadda Madaxweynaha ee Furitaanka Kalfadhiga 6-AAD ee Baarlamaanka

Bismillaahi Raxmaani Raxiim Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoonka Golaha Shacabka umadda Soomaaliyeed Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye ku xigeen koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Xildhibaannada sharafta leh ee …

Khudbadda Madaxweynaha ee Furitaanka Kalfadhiga 6-AAD ee Baarlamaanka Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Farriin Tacsi ah u diray Madaxweyne Geelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhambaal u diray walaalkiis Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, ayaa uga tacsiyeyay geerida ku timid, Alle ha u naxariistee marxuum Sacad Cumar Geelle. “Waxa na soo gaaray warka naxdinta leh ee dhimashada marxuumka oo la dhashay walaalkey Madaxweyne Ismaaciil Cumar …

Madaxweyne Farmaajo oo Farriin Tacsi ah u diray Madaxweyne Geelle Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa wareegto ugu magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa beddalay Taliye Kuxigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Siciid Axmed Kadiye. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto …

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo dalka ku soo laabtay kaddib ka qaybgalkii Shirka Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu magaalada New York ee dalka Mareykanka kaga qayb-galay Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha ayaa intii uu halkaas ku sugnaa waxa uu ka qayb-galay shir heer sare ah oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya, …

Madaxweyne Farmaajo oo dalka ku soo laabtay kaddib ka qaybgalkii Shirka Qaramada Midoobay Read More »

Scroll to Top