War Murtiyeedka Wadajirka ah ee Booqashada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Burundi
Kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Burundi Mudane Pierre Nkurunziza, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxaxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu booqasho shaqo ku tegay Jamhuuriyadda Burundi muddadii u dhexaysey 18-19 Febraayo, 2019. Ujeedka booqashadani waxa uu ahaa adkeynta iskaashiga taariikheed, siyaasadeed iyo amni ee labada dal. Markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxxamed …