Hassan Yare

Madaxweyne Farmaajo oo Kulan la qaatay Qaar Ka Mid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed

Muqdisho, Nofeember 09, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa kala hadlay doorkooda ku aaddan dib u dhiska dalka, adkeynta dowladnimada, hoggaaminta iyo horumarinta bulshada. Madaxweynaha oo ka jawaabay weydiimaha dhallinyaradii kulanka ka soo qeyb galay ayaa tilmaamay in dhallinyaro badan oo …

Madaxweyne Farmaajo oo Kulan la qaatay Qaar Ka Mid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha Denmark, Ireland iyo Poland

  Muqdisho, Nofeembar 03, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Denmark, Ireland, Poland ee Soomaaliya. Danjiraha Boqortooyada Denmark Mudane Ole Thonke oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda Dalkiisa Marwo Margrethe Alexandrine ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare …

Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha Denmark, Ireland iyo Poland Read More »

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada JFS oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjireyaasha Masar iyo Jarmalka

Muqdisho, Nofeembar 01, 2020; Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Masar Mudane Maxamed Nasar iyo Safiir Ku xigeenka dowladda Jarmalka Mudane Sascha Andreas Kienzle. Safiirrada oo ugu hambalyeeyay xilka dhawaan loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa u rajeeyey ka mira-dhalinta shaqooyinka …

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada JFS oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjireyaasha Masar iyo Jarmalka Read More »

Kala saaridda Xorriyadda Hadalka iyo Ku Xadgudubka Muqadasaadka Diiniga ah

MUQDISHO, Oktoobar 29, 2020: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka. Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka …

Kala saaridda Xorriyadda Hadalka iyo Ku Xadgudubka Muqadasaadka Diiniga ah Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo la Kulmay Ehelada iyo Qaraabadii Marxuum Cali Khaliif ee kasoo qeyb galay Aaskii-qaran

Muqdisho, Oktoobar 12, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ehelada iyo qoyska Ra’iisul Wasaarihii Hore ee dalka Marxuum Cali Khaliif Galeyr ee ka soo qeyb galay Aaskii-qaran ee loogu sameeyey Muqdisho. Madaxweynaha ayaa la wadaagay qoyska iyo qaraabada marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda Soomaaliya ay …

Madaxweyne Farmaajo oo la Kulmay Ehelada iyo Qaraabadii Marxuum Cali Khaliif ee kasoo qeyb galay Aaskii-qaran Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabadda maalinta Calanka

Muqdisho, Oktoobar 12, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar ayaa Alle naxariis u weydiiyey dhammaan halyeeyadii naftooda u hurey jiritaanka dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u hureen sidii ay u gaari …

Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabadda maalinta Calanka Read More »

Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo Aas-qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho

Muqdisho, Oktoobar 10, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii Kumeel-gaarka ahayd Marxuum Cali Khaliif Galeyr, oo aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho. Diyaaraddii sidday Maydka Marxuum Cali Khaliif Galeyr ayaa markii ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan …

Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo Aas-qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey Geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Khaliif Galeyr

Muqdisho, Oktoobar 08, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Xukuumaddii Ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga. Madaxweynaha oo khadka Taleefanka …

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey Geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Khaliif Galeyr Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Booqasho Labo Maalmood ah ay uga bilaabmatay dalka Ereteriya

Asmara, Oktoobar 4, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, halkaas oo ay uga bilaabmatay booqasho labo maalmood ah. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa qaabilaad iyo soo dhaweyn diirran ugu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweynaha dalkaas Mudane Isaias Afwerki iyo xubno …

Madaxweyne Farmaajo oo Booqasho Labo Maalmood ah ay uga bilaabmatay dalka Ereteriya Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay Munaasabadda Dhaqan-gelinta Heshiiska Nabadeed ee Suudaan

Jubba, Oktoobar 03, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey munaasabadda Dhaqan-gelinta Heshiiska nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalkaas ayaa soo bandhigay garab-istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo midnimada walaalahooda dalka Suudaan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay …

Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay Munaasabadda Dhaqan-gelinta Heshiiska Nabadeed ee Suudaan Read More »

Scroll to Top