Hassan Yare

Madaxweyne Farmaajo oo Billad Sharaf Guddoonsiiyey Xubno ka tirsanaa Guddigii Qaban-qaabada 60-guurada

Muqdisho, Luuliyo 09, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho Sharaf ku maamuusay Guddigii Todobaadka Xoriyadda iyo Midnimada, hormuudka Olalaha Isxilqaan iyo Maamulka Warbaahinta gaarka loo leeyahay. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dul istaagay dadaalka wadajirka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku bixinayaan dowlad dhiska, midnimada iyo soo celinta …

Madaxweyne Farmaajo oo Billad Sharaf Guddoonsiiyey Xubno ka tirsanaa Guddigii Qaban-qaabada 60-guurada Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Villa Soomaaliya ku Qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Muqdisho, 4ta Luuliyo, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Mudane Qin Jian. Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha. Sidoo kale, labada dal waxa …

Madaxweyne Farmaajo oo Villa Soomaaliya ku Qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka u Jeediyey Khudbaddii Maalinta Xornimada iyo Midnimada ee 1-da Luuliyo

Muqdisho, 01-da Luuliyo, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaga qayb-galay Tiyaatarka Qaranka Munaasabadda Xuska 1-da Luuliyo ayaa shacabka ku adkeeyey in ay ka shaqeeyaan midnimada, dib u dhiska iyo awoodsiinta hannaanka dowladnimada oo ah waddada kaliya ee aynu kula tartami karno shucuubta caalamka. Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda iyo dadaalkii dadkii …

Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka u Jeediyey Khudbaddii Maalinta Xornimada iyo Midnimada ee 1-da Luuliyo Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray Madxafka Qaranka

Muqdisho, Luuliyo 01, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray Madxafka Qaranka ayaa ku bogaadiyey dhallinyaradii isu xilqaamay dib u dhiska Madxafka, ganacsatada Soomaaliyeed iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda sida ay uga mira dhaliyeen baaqii ku saabsanaa in dib loo dhiso xarumaha danta guud, bilicda iyo kaabeyaasha nolasha. Madaxweynaha …

Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray Madxafka Qaranka Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Ubax Dhigay Taallada Dhagaxtuur

Muqdisho, 01 Luuliyo, 2020; Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weynaynaya Todobaadka Xorriyadda, midnimada iyo geesiyaashii naftooda u huray halgankii gobonnimo doonka dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur oo ka mid ah xusuusaha halgankii dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga. Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 01-da Luuliyo oo ku beeggan …

Madaxweyne Farmaajo oo Ubax Dhigay Taallada Dhagaxtuur Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Xarigga Ka Jaray Wajiga Koowaad ee Dib U Dhiska Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho

Muqdisho, Juun 30, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dib u dhiska Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho ayaa faray Xukuumadda in ay sii dhammeystirto qorshaha dib u soo celinta Tuulada Ciyaaraha oo muhiim u ah soo nooleynta tartannada ciyaaraha kala duwan ee dalkeenna. Madaxweynaha ayaa …

Madaxweyne Farmaajo oo Xarigga Ka Jaray Wajiga Koowaad ee Dib U Dhiska Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey Guusha Diblumaasiyadeed ee Hoggaaminta Golaha Guud ee QM

Muqdisho, Juun 30, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo Goleyaasha DFS guusha taariikhiga ah ee dhanka diblumaasiyadda, kaddib markii dalkeenna loo doortay Guddoominta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Mareegaha Internetka kula …

Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey Guusha Diblumaasiyadeed ee Hoggaaminta Golaha Guud ee QM Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ugu Hambalyeeyay Dowladda iyo Shacabka Jabuuti 43-guurada kasoo wareegtay xornimada dalkaas

Muqdisho, Juun 27, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u diray dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo guud ahaan shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti hambalyo ku aaddan sannad guuradii 43-aad ee kasoo wareegtay xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay …

Madaxweyne Farmaajo oo ugu Hambalyeeyay Dowladda iyo Shacabka Jabuuti 43-guurada kasoo wareegtay xornimada dalkaas Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo uga mahadceliyey Goddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka fulinta codsigiisii ku aaddanaa Matalaadda Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir

Muqdisho, Juun 27, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tixgelinta iyo fulinta codsigii Madaxweyne ee ku aaddanaa xaqiijinta Matalaadda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir, taas oo uu ku soo jeediyey furitaankii Kal-fadhigii 7aad ee Baarlamaanka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda go’aankan taariikhiga ah …

Madaxweyne Farmaajo oo uga mahadceliyey Goddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka fulinta codsigiisii ku aaddanaa Matalaadda Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka

  Muqdisho, 26 Juun, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda sida ay uga mira dhaliyeen baaqii ku saabsanaa in laga wada qeyb qaato Olalaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo. Madaxweynaha …

Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka Read More »

Scroll to Top