MADAXWEYNE FARMAAJO “WAA MAALIN QOF KASTA OO SOOMAALIYEED UU XASUUSAN YAHAY DAREENKA MURAGADA LEH EE QARAXII 14-KA OKTOOBAR”
Muqdisho, Oktoobar 14, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan Xuska Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar 2017-kii ay argagixisadu ku bartilmaameedsadeen boqollaal shacab ah, ayaa Alle uga baryey in uu naxariistiisa janno ku abaal mariyo shuhadadii aynu ku weyney weerarkaas. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qof kasta …