Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Munaasabadda Dhaarinta Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa
Muqdisho, Abriil 25, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo goobjoog u ahaa Munaasabadda Dhaarinta Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay tallaabooyin miro-dhal ah u qaadeen dhanka hufnaanta maaliyadda, dowlad wanaagga iyo dimuqraadiyadda. Madaxweynaha ayaa dul istaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga …