Hamdi Hassan

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GELAYA CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA UGANDA

Muqdisho, May 11, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Kambaala ee Caasimadda Dalka Uganda. Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni oo ku martiqaaday xafladda qaar ka mid ah Madaxda caalamka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku …

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GELAYA CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA UGANDA Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Saraakiishii ku shahiiday Qaraxii Magaalada Muqdisho

Muqdisho, May 10, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanya leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen saraakiishii, saraakiil xigeenkii, askartii iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni iyo wadajir, …

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Saraakiishii ku shahiiday Qaraxii Magaalada Muqdisho Read More »

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN AFUR AH LA QAATAY GANACSATADA SOOMAALIYEED

Muqdisho, May 8, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan afur ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyay doorka ay ka qaateen horumarinta dhaqaalaha dalka, xoojinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladdu ay ka miro-dhalisay …

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN AFUR AH LA QAATAY GANACSATADA SOOMAALIYEED Read More »

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA XILDHIBAAN CABDULLAAHI SHEEKH ISMAACIIL

Muqdisho, May 7, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ahaa mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil uu muddo dheer …

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA XILDHIBAAN CABDULLAAHI SHEEKH ISMAACIIL Read More »

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LA QAATAY DHAKHAATIIRTA LA TACAALAYA CUDURKA COVID-19

Muqdisho, May 7, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay qaar ka mid ah dhakhaatiirta iyo adeegayaasha caafimaad ee la tacaalaya xakamaynta cudurka COVID-19 ayaa ku bogaadiyey dadaalladooda naf hurka ah ee ay ku bixinayaan ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay dadaallada …

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LA QAATAY DHAKHAATIIRTA LA TACAALAYA CUDURKA COVID-19 Read More »

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN AFURO AH LA QAATAY CULIMADA SOOMAALIYEED

Muqdisho, May 4, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka kulan afuro ah kula qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dhibaatooyinka kala duwan ee dib u dhigay dalkeenna lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada diinta iyo Madaxda dowladda. Madaxweynaha ayaa culimada ku …

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN AFURO AH LA QAATAY CULIMADA SOOMAALIYEED Read More »

MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KULMAY MADAXDA WARBAAHINTA GAARKA LOO LEEYAHAY

Muqdisho, May 4, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabbilay qaar ka mid ah madaxda xarumaha warbaahinta gaarka loo leeyahay ayaa ugu hambalyeeyey Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay mar walba Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’antahay dhowrista xuquuqda iyo xorriyadda saxaafadda iyada …

MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KULMAY MADAXDA WARBAAHINTA GAARKA LOO LEEYAHAY Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Itoobiya

Muqdisho, May 3, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Itoobiya u qaabbilsan Soomaaliya Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan. Danjiraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde ayaa …

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Itoobiya Read More »

MADAXWEYNE FARMAAJO OO UGA WARBIXIYAY GOLAHA SHACABKA ARRIMAHA DOORASHOOYINKA IYO XAALADDA DALKA

Muqdisho, May 1, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadal ka jeediyey fadhi gaar ah oo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay yeesheen ayaa uga warbixiyay xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka, waxa uuna ka codsaday in loo noqdo heshiiskii 17-ka Sebteembar ee hagaya hannaanka doorashada dalka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay dadaalkii muuqday …

MADAXWEYNE FARMAAJO OO UGA WARBIXIYAY GOLAHA SHACABKA ARRIMAHA DOORASHOOYINKA IYO XAALADDA DALKA Read More »

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGA WARBIXIYEY XAALADDA DALKA IYO ARRIMAHA DOORASHOOYINKA

Muqdisho, Abriil 28, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caawa si toos ah ula hadlay Shacabka Soomaaliyeed ayaa uga booga dhayey walaac xooggan ee ay ka qabeen xaaladaha taagan, doorashada iyo mustaqbalka dalka. Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey sida ay uga go’an tahay Dowladda in dalkan ay ka dhacdo doorasho ka tarjumeysa …

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGA WARBIXIYEY XAALADDA DALKA IYO ARRIMAHA DOORASHOOYINKA Read More »

Scroll to Top