MADAXWEYNE FARMAAJO OO BOGAADIYEY DADAALLADA XUKUUMADDA EE AWOOD SIINTA GANACSATADA SOOMAALIYEED
Muqdisho, Juun 20, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo heer gobol ah oo loo iib geeyo waxsoosaarka dalkeenna ay kor uqaadeyso dhaqaalaha dalka, fursadaha shaqaaleysiinta dhallinyarada iyo heer nololeedka shacabkeenna. Madaxweynaha oo warbixin ka dhageystay Wasiirrada Wasaaradaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cabdullahi …