Ahmed Abdiwahab

Hadal jeedin: Madaxweynaha JFS Oo Bogaadiyay Kaalinta Taariikhiga ah Ee Ay Dowladda Masar Ku Lahayd Dowlad Dhiska Soomaaliya!

Qaahira, Luuliyo 25, 2022.  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siis, soo dhaweynta diirran ee uu ku qaabbilay. Madaxweynaha ayaa aad u bogaadiyay kaalinta walaalnimo ee dalka Masar ay ku lahayd dowlad dhiska iyo xorriyadda ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda …

Hadal jeedin: Madaxweynaha JFS Oo Bogaadiyay Kaalinta Taariikhiga ah Ee Ay Dowladda Masar Ku Lahayd Dowlad Dhiska Soomaaliya! Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO GAARAY DALKA MASAR

Qaahira, 24, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha si diirran ugu soo dhaweeyey Wasiirka Maaliyadda Masar Mudane Maxamed Muciid, diblomaasiyiin iyo sarakiil ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas. Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, la …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO GAARAY DALKA MASAR Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBA-BAXAY DALKA MASAR

Muqdisho, Luulyo 24. 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka xiriirka soojireenka ah la wadaaga dalkeenna ku maraya socdaal ku saleysan dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadda iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dunida ayaa maanta u amba-baxay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar. Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBA-BAXAY DALKA MASAR Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY KADDIB SAFAR SHAQO UU KU TAGAY DALKA TANSAANIYA

 Muqdisho, 23, 07, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay Shir-Madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ka dhacay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugnaayeen magaalada Arusha ee Tansaaniya waxa ay soo bandhigeen fursadaha …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY KADDIB SAFAR SHAQO UU KU TAGAY DALKA TANSAANIYA Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY XIRITAANKA SHIRWEYNAHA DALALKA DALLADDA BULSHADA BARIGA AFRIKA (EAC)

Arusha, Luulyo 22, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-gelay xiritaanka shir-madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay martigelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya, iyadoo Madaxda dalalkani ay maanta ka doodeen codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso kamid noqoshada daladdan. Madaxweynaha oo kulan-doceedyo …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY XIRITAANKA SHIRWEYNAHA DALALKA DALLADDA BULSHADA BARIGA AFRIKA (EAC) Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANSAANIYA

Muqdisho, Luulyo 21, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga dalkaas Marwo Ashuta Kijaju iyo diblamaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas. Madaxweynaha ayaa ka qayb-geli doona Shirka …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANSAANIYA Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAFAR SHAQO UGU AMBABBAXAY DALKA TANSAANIYA

Muqdisho, Luulyo 21, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ugu ambabbaxay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya. Madaxweynaha oo ka qayb-geli doona Shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ka dhacaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa madaxda dalalkaas uga warbixin doona fursadaha dhaqaale ee dalkeenna, …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAFAR SHAQO UGU AMBABBAXAY DALKA TANSAANIYA Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMAY BILLAD SHARAFTA UGU SARREYSA EE AY BIXISO DOWLADDA JABBUUTI

Jabuuti, Luulyo 17 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa caawa ka qeybgalay casho sharaf si heersare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Jabuuti oo uu ku maamuusay Madaxweynaha dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa intii ay socotay casho sharafta waxaa uu billad …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMAY BILLAD SHARAFTA UGU SARREYSA EE AY BIXISO DOWLADDA JABBUUTI Read More »

WAR-MURTIYEEDKA SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN

HORDHAC Muqdisho 12 Juun 2022: Golaha Wadatashiga Qaran ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay shir labo maalmood socday. Shirka oo uu isugu yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka soo qaybgalay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya; Mudane Saciid Cabdullaahi …

WAR-MURTIYEEDKA SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN Read More »

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA MUDANE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO LA HADLAY SHACABKA SOOMAALIYEED.

DAAWO Hadal-Jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee guulaha 7dii bilood ee lasoo dhaafay laga xaqiijiyay halganka dib u xoreynta dalka iyo hiigsiga sanadka 2023 oo noqon doona sanadkii dalka xoroobi lahaa dowladdana ay u jihaysan laheyd adeeg iyo waxqabad insha allaah.

Scroll to Top