MADAXWEYNE XASAN OO AY WEHELIYAAN MADAXDA GWQ AYAA KULAN LA QAATAY GUDDOONKA LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Madaxda Madasha Wadatashiga Qaran ayaa kulan la qaatay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, kaas oo daba-socda miro-dhalka kulammadii Madasha. Kulanka is-xogwareysiga ah waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Gudoomiyaha Aqalka Sare BJFS Cabdi Xaashi Cabdulaahi, Ra’iisul …