AGAASIMAHA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA QARANKA OO KULAN LA QAATAY DHIGGIISA MADAXTOOYADA DALKA TURKIGA

Ankara, December 16, 2021; Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa Xarunta Guud ee Warfaafinta Madaxtooyada Dalka Turkiga ee Ankara waxa uu kulan kula qaatay dhiggiisa Warfaafinta Dalka aan Walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Fahrettin Altun.

Labada Agaasime ayaa ka wada hadlay wadashaqaynta iyo xoojinta xiriirka Laamaha Warfaafinta heer Madaxtooyo ee labada dal, tayaynta iyo horumarinta wacyiga weriyeyaasha ee xilliga doorasha, iyaga oo isla meel dhigay qorsheyaal kor loogu qaadayo cilaaqaadka ku dhisan walaalnimada ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Agaasime Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa la wadaagay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Turkiga muuqaallo Dokumenteri ah oo uu diyaariyey Xafiiska Warfaafinta ee Villa Somalia, kuna tarjuman afka Turkiga, oo ku saabsan toban sano guurada dib-u-curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga. muuqaalka filimkan ayaa la qorshaynayaa in lagu baahiyo warbaahinta dalka Turkiga.

Agaasimaha Warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa magaalada Istanbuul kaga qayb galay Shirweynaha Istaraatiijiyadda Warbaahinta, isaga oo ku bogaadiyey Mudane Fahrettin Altun doorka hoggaamineed ee uu qaatay.

DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top