MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KULAN MIRO-DHAL AH WASHINGTON KULA QAATAY KU SIMAHA XOGHAYAHA DIFAACA MARAYKANKA VICTORIA NULAND

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalla Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan miro-dhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ee magaalada Washington, ku simaha Xoghayaha Difaaca dalkaas Marwo Victoria Nuland ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, kor u qaadista taageerada Mareykanka ee dib u habaynta hay’adaha amniga Soomaaliya iyo ka jawaabidda xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhashay isbaddalka cimilada.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID) Danjire Samantha Power ayaa la wadaagay saamaynta taaban ee ka dhalatay Roobka Dayrta ee sida xad dhaafka ah uga da’ay dalka, isaga oo muujiyay muhiimadda kordhinta taageerada dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ee arrimaha dowlad-dhiska, wax ka qabashada saamaynta isbaddalka cimmilada iyo horumarinta kaabayaasha nolosha bulshada.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top