MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADA GUUSHA TAARIIKHIGA EE QAADISTA CUNA-QABATAYNTA HUBKA SOOMAALIYA

Muqdisho, Diseembar 06, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad loogu mahad celinayay dowladihii codkooda ku taageeray go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha ammaanka Qaramada midoobay ay Cuna-qabataynta hubka uga qaadeen dalkeenna, taasi oo saarnayd muddo ka badan 32 sano.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uga mahad celiyay dhammaan dowladihii taageeray go’aankan, garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa dul istaagay halgankii dheeraa ee loosoo galay gaaridda guushan dhaxal galka ah, ahmiyadda go’aankani u leeyahay xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah argagixiso iyo qorshaha dowladda ee ilaalinta Hubka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku bogaadiyay madaxdii iyo hay’adaha DFS ee ka qayb qaatay gaaridda natiijadan muhiimka ah isaga oo xusay in dowladdu ay si dhammeystiran u qaadanayso mas’uuliyadda ilaalinta Hubka iyo in aan loo adeegsan wax ka baxsan xoreynta dalka iyo difaaca Qaranka.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top