JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ)
HESHIISKA HANNAANKA DOORASHOOYINKA JAMHUURIYADDA
FEDERAALKA SOOMAALIYA
27 MAAJO 2023
MUQDISHO-SOOMAALIYA
Hordhac
Si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo leh halbeeg caalami ah, waa in la xaqiijiyo xaqa mawaadinka uu u leeyahay in la doorto ama uu wax doorto.
Sidaas daraadeed, Soomaaliya waxay hirgelinaysaa hannaan doorasho oo ku dhisan matalaadda dadweynaha, taasoo saamayn wanaagsan ku yeelan doonta geeddi socodka siyaasadda dalka iyo soo kabashada dowladnimadeenna. Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu qabtay Muqdisho 26kii bishii December 2022, ayaa caddeeyay in ay ka go’antahay qabsoomidda doorashooyin xor iyo xalaal ah iyo diyaarinta shuruucda iyo nidaamyada loo baahanyahay si loo gaaro yoolka doorashooyin qof iyo cod ah.
Heshiis siyaasadeedkan ujeedadiisu waa in la qeexo nidaamka doorasho ee Soomaaliya yeelanayso si dalka looga hirgaliyo doorashooyin xor iyo xalaal ah, si nabad ah ku dhacda, loona maamulo si madax-banaan, dhexdhexaad ah, sugan, hufan oo isla-xisaabtan leh, kuna saleysan habraac sharci oo dhaqan-gal ah.
Baaxadda Heshiiska
Heshiiskan wuxuu caddeynayaa hawlaha maamulka doorashooyinka dalka (Federaalka, DXDF, MGB iyo Dowladaha Hoose) oo ay ku heshiiyeen GWQ si loo hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah.
Mabaa’diida Aasaasiga ah
a. Habka doorasho iyo deegaan doorasho ee ay JFS yeelanayso waa in uu noqdaa mid dadweynaha u suura gelinaya in ay codkooda si dimuqoraadi ah oo qof iyo cod ah u dhiibtaan.
b. Habka doorasho waa in uu ahaado mid dhiirigelinaya nidaamka siyaasadeed ee xisbiyada badan, xaaladda amni iyo tan dhaqaale ee dalka.
c. Habka doorasho in uu ahaado mid madax-banaan, nabdoon, ka maran musuq, dhexdhexaad ah, sugan, hufan oo isla-xisaabtan leh, kuna saleysan habraac sharci oo dhaqan-gal ah.
d. Habka doorasho waa in uu ahaado mid lagu ilaalin karo metelaada qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed si loo helo caddaalad bulsho
e. Habka doorasho waa in uu ahaado mid horumarinaya wadajirka bulshada iyo muqaddasnimada midnimada Soomaaliya.
f. Habka doorasho waa in uu ahaado mid kalsooni gelinaya dadka Soomaaliyeed in danahooda ay si habboon u matalaan wakiilo ay ayaga u soo doorteen.
Goluhu isagoo ka amba qaadaya mabaad’iida kor ku xusan wuxuu ku heshiiyay qodobada soo socda:
Qodobka 1aad: Hannaanka Doorashooyinka
a. GWQ wuxuu ku heshiiyay inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya.
b. Hannaanka doorashooyinka dalka wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran (Proportional Representation – Closed List).
c. Liisaska xisbi walba waa in aysan ka badnaan laba-laab kuraasta loo tartamayo, kana yaraanin tirada guud ee kuraasta loo tartamayo.
Qodobka 2aad: Deegaan Doorasho
GWQ wuxuu ku heshiiyay in kuraasta lagu tartamayo lagu soo doorto haldeegaan doorasho (single constituency).
Qodobka 3aad: Golaha Shacabka JFS
a. Kuraasta loo tartamayo ee Golaha Shacabku waa 275 xubnood, waxayna matelaan dhammaan Bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.
b. Xubnaha Golaha Shacabka waxaa si toos ah, qarsoodi ah, oo madaxbanaan ku dooranaya shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
c. Kuraasta Golaha Shacabka waxaa loogu tartami doonaa habka xisbiyada badan.
Qodobka 4aad: Golaha Aqalka Sare ee JFS
a. Deegaan doorashada kuraasta Golaha Aqalka Sare waxay noqonaysaa mid kasta oo ka mid ah DXDF.
b. Metaaladda xubnaha Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir waxaa lagu qeexi doonaa maqaamka caasimadda sida ku cad Dastuurka KMG.
Qodobka 5aad: Goleyaasha Wakiillada DXDF
a. Kuraasta Goleyaasha Wakiillada DXDF waxaa lagu dooranayaa deegaannada DXDF.
b. Shacabka DXDF ayaa Xubnaha Goleyaasha Wakiillada DXDF si toos ah, qarsoodi ah, oo madaxbanaan ku dooranaya.
c. Kuraasta Golaha Wakiillada waxaa ku tartamaya Xisbiyada.
Qodobka 6aad: Dowladaha Hoose
a. Xubnaha Goleyaasha Deegaanka waxaa si toos ah u soo dooranaya bulshada deegaanka.
b. Kuraasta Golaha Deegaanka waxaa ku tartamaya urur siyaasadeedyada.
c. Labada urur siyaasadeed ee ugu codka badan ayaa noqonaya labada xisbi qaran ee dalku yeelan doono.
Qodobka 7aad: Nidaamka Madaxtinimada Dalka
a. Si loo mideeyo hannaanka doorasho ee hoggaanka JFS loona dardargeliyo habsami u socodka dowladnimadeena, waxaa dalka uu qaadanayaa nidaam
Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-Xigeen.
b. Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-Xigeenka waxaa hal warqad ku dooranaya shacabka Soomaaliyeed ayadoo lagu salaynayo nidaamka xisbiyada badan.
Qodobka 8aad: Mideynta Muddada Doorashooyinka
a. Doorashooyinka dalka ee heer federaal iyo heer DXDF waa qof iyo cod oo shantii sanaba hal mar ah.
b. Si loo mideeyo muddada doorashooyinka heer DXDF, waxay doorashooyinku ku qabsoomi doonaan sida soo socota:
I. Dowladaha Hoose waxay doorashadooda dhici doontaa 30 June 2024. II. Golaha Wakiilada DXDF waxay doorashooda dhici doontaa 30 November 2024. III. Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka DXDF waxay doorashadooda dhici doontaa 30 November 2024.Qodobka 9aad: Qoondada Haweenka
Si loo xaqiijiyo meel marinta qoondada haweenka, goluhu wuxuu isku raacay in la diyaariyo heshiis gaar ah.
Qodobka 10aad: Xaaladda Soomaaliland
Kuraasta Somaliland ee Aqalka Sare waxaa uu GWQ ka gaari doonaa heshiis gaar ah.
Qodobka 11aad: Gobolka Banaadir
Degmooyinka G/Banaadir waxa ay yeelanayaan goleyaal deegaan oo ay soo dooranayaan dadka deegaanka si toos ah, waxayna dhacaysaa 30 June 2024.
Qodobka 12aad: Maamulka Doorashooyinka Dalka
a. Waxaa la dhisayaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo ah hay’ad madaxbannaan oo u xilsaaran dhammaan maamulidda iyo qabashada doorashooyinka kala duwan ee dalka iyo soohdimaha.
b. Guddigu wuxuu ka koobnaanayaa 15 xubnood oo ka kala imaanaya:
i. Saddex xubnood oo ka mid ah waxay ka imaanayan DFS. ii. Min laba xubnood waxay ka imaanayaan DXDF iyo Gobolka Banaadir. iii. Xubnaha guddiga waxaa lagu soo gudbinayaa muddo bil gudaheed ah laga billaabo taariikhda la saxiixay heshiiskan. c. Amniga iyo habsami u socodka doorashooyinka waxaa mas’uul ka ah guddiga madaxbannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha.–DHAMMAAD–
SAXIIXAYAASHA HESHIISKA
1. Mudane Xamza Cabdi Barre
Ra’iisul-Wasaaraha Xukuumadda XFS _______________
2. Mudane Saalax Axmed Jaamac
Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XFS _______________
3. Mudane Saciid Cabdullahi Deni
Madaxweynaha Dowladda Puntland Soomaaliya _____________
4. Mudane Axmed Maxamed Islaan
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Soomaaliya _______________
5. Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen)
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ______________
6. Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor)
Madaxweynaha Dowladda Galmudug Soomaaliya _______________
7. Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Soomaaliya _______________
8. Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)
Guddoomiyaha G/Banaadir ahna duqa Muqdishu ______________