Month: October 2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DHIGGIISA TURKIGA LA YEESHAY KULAN KU SAABSAN XOOJINTA XIRIIRKA LABADA DAL

Istanbuul, Oktoobar 27, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalad Istanbuul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyne Ordogan …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DHIGGIISA TURKIGA LA YEESHAY KULAN KU SAABSAN XOOJINTA XIRIIRKA LABADA DAL Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKHOO BRUSSELS KAGA QAYBGALAY SHIRKA MIDOWGA YURUB IYO DALALKA SOO KORAYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Brussels ee dalka Belgium kaga qaybgalay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya ayaa Khudbad oo ka jeediyay kaga hadlay hindisaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in deeqaha binu-aadantinimo iyo gargaarka degdegga ah ee Midowga Yurub in loo beddelo mashaariic horumarineed iyo maalgashi. “Tan …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKHOO BRUSSELS KAGA QAYBGALAY SHIRKA MIDOWGA YURUB IYO DALALKA SOO KORAYA Read More »

DR. XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BRUSSELS KULA KULMAY MADAXWAYNAHA GOLAHA MIDOWGA YURUB CHARLES MICHEL

Brussels, Oktoobar 25; 2023 Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Brussels kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel. Labada Madaxweyne ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto ciribtirka Khawaarijta iyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi-socodka …

DR. XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BRUSSELS KULA KULMAY MADAXWAYNAHA GOLAHA MIDOWGA YURUB CHARLES MICHEL Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY TALISYADA CIIDANKA XOOGGA DALKA IYO HOWGALKA AFRICOM EE SOOMAALIYA

Muqdisho, Oktoobar 23, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho kulan kula qaatay siihayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon iyo Korneyl David J.Haskell oo ah Taliyaha Howlgalka Africom ee Soomaaliya. Dowladda Maraykanka ayaa muujisay taageeradeeda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, iyagoo Madaxweynaha iyo Ciidamada Qalabka Sida …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY TALISYADA CIIDANKA XOOGGA DALKA IYO HOWGALKA AFRICOM EE SOOMAALIYA Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO DIB UGU LAABTAY MAGAALADA DHUUSAMAREEB

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo uu ka sii ambaqaadayo dhammeystirka wajiga Koowaad ee howlgalka xoreynta dalka. Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur oo la xiriira abaabulka wajiga Labaad ee howgalka dhawaan lagu xoreynayo …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO DIB UGU LAABTAY MAGAALADA DHUUSAMAREEB Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY DEGMADA XUDUR

Xudur, Oktoobar 19, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa gaaray degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, halkaas oo ay si heer sare leh ugu soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY DEGMADA XUDUR Read More »

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO GUDDOOMIYEY SHIR AY ISUGU YIMAADEEN MASUULIYIINTA HEER FEDERAAL IYO HEER DOWLAD-GOBOLEED EE KOONFUR-GALBEED

Xudur, Oktoobar 19, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed, iyadoo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed. Kulanka oo ay ka soo qeyb-galeen Wasiirrada iyo Masuuliyiin heer Federaal ee Koonfur-galbeed ayaa xoogga …

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO GUDDOOMIYEY SHIR AY ISUGU YIMAADEEN MASUULIYIINTA HEER FEDERAAL IYO HEER DOWLAD-GOBOLEED EE KOONFUR-GALBEED Read More »

MADAXWEYNAHA JFS XASAN SHEEKH MAXAMUUD AYAA GAARAY MAGAALADA BAYDHABO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed, goleyaasha kala duwan iyo bulshada Koonfur-galbeed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Baydhaba booqan doona deegaanno ka tirsan Koonfur-galbeed isagoo xoogga saaraya abaabulka howlgallada dalka lagaga xoreynayo argagixisada …

MADAXWEYNAHA JFS XASAN SHEEKH MAXAMUUD AYAA GAARAY MAGAALADA BAYDHABO Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA QARANKA KU QAABILAY WASIIRKA DIFAACA DALKA KENYA

Muqdisho, Oktoobar 18, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya mudane Aadan Barre Ducaale ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka iyo dardar galinta dadaalada mideysan ee lagu ciribtirayo argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA QARANKA KU QAABILAY WASIIRKA DIFAACA DALKA KENYA Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARAAQAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA DALKA SWEDEN

Muqdisho, Oktoobar 18, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden u fadhin doona dalkeenna Mudane Joacim Waern. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey Danjire Joacim Waern in uu ka miro Dhaliyo matelaadda dalkiisa iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood, dhanka …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARAAQAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA DALKA SWEDEN Read More »

Scroll to Top