MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MUNAASABADDA XUSKA SYL AWGEED UBAX-DHIGAY TAALLADA HALGAMEYAASHA SYL
Muqdisho, May 15, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabadda Xuska aas-aaskii Dalladda Dhallinyarada Soomaaliyeed awgeed waxa uu ubax-dhigay tallada Halgameyaashii SYL oo 80-sano ay ka soo wareegtay markii ay aas-aaseen dalladan xornimada u horseedday dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalkeenna maanta ay haysato caqabad la mid ah tan ay …