Month: March 2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO GUDOOMIYAY MAALINTII LABAD SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoominaya maalintii labaad shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu lafa gurayaa warbixinnada ay soo gudbiyeen guddiyada u xilsaaran soo dharaan dhirinta hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka iyo qaab dhismeedka amniga qaranka. Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO GUDOOMIYAY MAALINTII LABAD SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BAYDHABO KA FURAY SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN

Baydhabo, Maarso 15, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaarka Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed ka furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo waxaa lagu lafo-guri doona qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed. Shirkan waxaa ka …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BAYDHABO KA FURAY SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA BAYDHABO

Baydhabo, Maarso 15, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka furamayo shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati-guduud ee magaalada Baydhabo si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, masuuliyiin heer …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA BAYDHABO Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE DOWLADDA ITOOBIYA

Muqdisho, Maarso 14, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Dowladda Itoobiya ay u soo magacaabatay Soomaaliya Mudane Muktar Mohamed Ware. Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde, ayaa uga mahadceliyey soo …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE DOWLADDA ITOOBIYA Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRWEYNAHA QARAN EE WAXBARASHADA DALKA

Muqdisho, Maarso 13, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirweynaha Qaran ee waxbarashada dalka ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalka. Madaxweynaha oo dul istaagay qorshaha dowladda ee baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo xaqiijinta Manhaj mid …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRWEYNAHA QARAN EE WAXBARASHADA DALKA Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY SHARCIYADA CUNAQABATEYNTA MAALIYADEED EE CAYIMAN, HAY’ADDA SIRDOONKA IYO NABAD-SUGIDDA QARANKA IYO KORONTADA QARANKA

Muqdisho, Maarso 08, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya hirgelinta hannaan dowladnimo oo ku dhisan sharci iyo xeerar nidaamiya hay’adaha iyo awoodda dowladda ayaa saxiixay Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka iyo Sharciga Korontada Qaranka. Munaasabadda saxiixa sharciyadda oo ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY SHARCIYADA CUNAQABATEYNTA MAALIYADEED EE CAYIMAN, HAY’ADDA SIRDOONKA IYO NABAD-SUGIDDA QARANKA IYO KORONTADA QARANKA Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KULAN DOCEED LA QAATAY MADAXWEYNAHA JABUUTI ISMAACIIL CUMAR GEELLE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada qeyb-galayeen Madasha 5-aad ee Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya oo ku qabsoontay magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay mideynta mawaaqifta labada …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KULAN DOCEED LA QAATAY MADAXWEYNAHA JABUUTI ISMAACIIL CUMAR GEELLE Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA LDC5

Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Shirka Loo Dhan Yahay ee LDC5 ee hal-ku-dheggiisu yahay: Ka faa’iidaysiga khayraadka la haysto si loo gaaro barwaaqo. “Madaxda sharafta leh, Mudanayaal iyo Marwooyin, sharaf ayay ii tahay in aan idin kala hadlayo shirkan shanaad ee muhiimka ah ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan Dalalka Horumarkoodu …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA LDC5 Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEIKH IYO AMIIR KA DOWLADA QATAR OO YEESHAY KULAN MIRO DHAL AH

Dooxa, Maarso 05, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Madasha Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya ayaa halkaas kula yeeshay wada-hadallo wax ku-ool ah Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Amiirka Qatar ayaa kulankooda ku lafa-guray aayaha xiriirka Labada dal iyo danaha wadajirka ah ee ku …

MADAXWEYNE XASAN SHEIKH IYO AMIIR KA DOWLADA QATAR OO YEESHAY KULAN MIRO DHAL AH Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DOOXA KAGA QEYB-GALAYA SHIRKA QARAMADA MIDOOBEY EE DALALKA SOO KORAYA

Dooxa, Maarso 04, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Shirka ay hoggaaminayso Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ka qeyb galayaan Madasha 5-aad ee dalalka soo koraya, waxa ay kulammo la qaadan doonaan madaxda …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DOOXA KAGA QEYB-GALAYA SHIRKA QARAMADA MIDOOBEY EE DALALKA SOO KORAYA Read More »

Scroll to Top