MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD IYO DHIGGIISA DALKA KENYA OO KULAN DOCEED KU YEESHAY ADDIS-ABABA
Addis, Feberaayo 19, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Addis-ababa, Madaxweynaha dalka Kenya mudane William Ruto. Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Kenya dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay …