Month: July 2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO GAARAY MAGAALADA ASMARA

Asmara, Luulyo 09, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya. Madaxweynaha ayaa markii uu ka degay Garoonka Caalamiga ah ee Asmara waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo afar maalmood qaadanaysa ku …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO GAARAY MAGAALADA ASMARA Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBABAXAY DALKA ERETERIYA

Muqdisho, Luulyo 09, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Ereteriya, ka dib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeellan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBABAXAY DALKA ERETERIYA Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SALAADDA CIIDDA KU OOGAY MASAAJIDKA CALI JIMCAALE EE MAGAALADA MUQDISHO

Muqdisho, Luulyo 09, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed kula tukaday salaadda ciidda masaajidka Cali Jimcaale oo dhawaan laga dhisay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. “Masjidkan oo dhulka laga hirgaliyayay ay dowladdu bixisay; waxaan rabaa in aan u mahadceliyo dadkii soomaaliyeed ee dhaqaalahooda galiyay, sida tabarucaadda ahna u dhisay, …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SALAADDA CIIDDA KU OOGAY MASAAJIDKA CALI JIMCAALE EE MAGAALADA MUQDISHO Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DADKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY MUNAASABADDA CIIDDA CARAFO

Muqdisho, Luulyo 08, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamka ugu hambalyeeyey maalmaha barakaysan ee ciidda Carafo oo ah munaasabad qiimo weyn ku leh diinteenna Islaamka. Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan gudanaya waajibaadka xajka in uu ka aqbalo acmaasha suubban, isagoo ku boorriyey …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DADKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY MUNAASABADDA CIIDDA CARAFO Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY, SHACABKANA UGU HAMBALYEEYEY MUNAASABADDA CIIDDA CARAFO

Muqdisho, Luulyo 07, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ku joogay dalka Turkiga, ayaa galabta ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakeysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna xusuusiyey xaaladda nololeed ee …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY, SHACABKANA UGU HAMBALYEEYEY MUNAASABADDA CIIDDA CARAFO Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO MADAXWEYNE RECEP TAYYIP ERDOGAN OO KULAN QODOBO MUHIIM AH LOOGA HADLAY YEESHAY

Ankara, Luulyo 06, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si heersare ah loogu soo dhaweeyey xarunta madaxtooyada Turkiga ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Turkiga ay garab istaag iyo taageero buuxa u muujisay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilli ay …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO MADAXWEYNE RECEP TAYYIP ERDOGAN OO KULAN QODOBO MUHIIM AH LOOGA HADLAY YEESHAY Read More »

Khudbadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka jeediyey xarunta Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Cilmi-Baarista Arrimaha Bulshada ee SETA

Faa’iidada iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga: Doodda khibradda Soomaaliya Khudbadda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka jeediyey xarunta Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Cilmi-Baarista Arrimaha Bulshada ee SETA. Ankara, 5th July 2022 Mudaneyaal iyo Marwooyin, Waxaa sharaf weyn ii ah fursadda aan u helay in aan khudbad la xiriirta khibradda iyo faa’iidooyinka Soomaaliya iyo iskaashiga Turkiga ka jeediyo mu’asasadda …

Khudbadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka jeediyey xarunta Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Cilmi-Baarista Arrimaha Bulshada ee SETA Read More »

MADAXWEYNAHA JFS OO BOOQDAY DUGSIGA TABABARKA KUMAANDOOSKA DALKA TURKIGA EE ISPARTA

Ankara, Luulyo 05, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday dugsiga Tababarka Kumaandooska Dalka Turkiga ee Isparta, halkaas oo xarun muhiim ah u ah tababarrada iyo tayeynta Ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed oo kumannaan ka mid ah ay ka soo qalin jabiyeen. Madaxweynaha oo ay soo dhaweeyeen Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiil ka …

MADAXWEYNAHA JFS OO BOOQDAY DUGSIGA TABABARKA KUMAANDOOSKA DALKA TURKIGA EE ISPARTA Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY JAALIYADDA, KORMEERAYNA SAFAARADDA SOOMAALIYEED EE DALKA TURKIGA

Ankara, Luulyo 04, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, isaga oo la wadaagay dadaalka Dowladda Soomaaliya ay galineyso xoojinta xiriirka Labada dal. Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga warramay xaaladda guud …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY JAALIYADDA, KORMEERAYNA SAFAARADDA SOOMAALIYEED EE DALKA TURKIGA Read More »

MADAXWEYNAHA JFS MUDANE XASSAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO LAGU SOO DHAWEEYEY DALKA TURKIGA

Ankara, 03 Luulyo, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayey oo soo gaaray dalka Turkiga ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Wasiirka Waxbarashada dalka Turkiga Mudane Mahmut Özer, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullahi Caydiid iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkan ku …

MADAXWEYNAHA JFS MUDANE XASSAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO LAGU SOO DHAWEEYEY DALKA TURKIGA Read More »

Scroll to Top