MADAXWEYNE FARMAAJO OO CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY SANNAD GUURADA 78-AAD EE AASAASKOODA
Muqdisho, Diseembar 20, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda 78 guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed dadaalladooda naf-huridda ah ee ay ku xaqiijinayaan amniga, caddaaladda, sarraynta …