Month: November 2020

Madaxweyne Farmaajo oo Abaal-mariyay Shaqaalaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Hay’adda Duulista

Muqdisho, Nofeembar 23, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Billad iyo Shahaado sharaf ku maamuusay Masuuliyiintii iyo howlwadeennadii ka soo shaqeeyay dib u soo celinta Maamulka Hawada Dalkeenna ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay xaqiijinta madaxbannaanida dalka, dowladnimada iyo sharafka Qarannimadeenna. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Sooyaalka dalkeenna ay baal dahab ah ka …

Madaxweyne Farmaajo oo Abaal-mariyay Shaqaalaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Hay’adda Duulista Read More »

FARRIINTA MAALINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED

Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee Qiimaha Badan,, Asalaamu Caleykum Wa Raxmatullaah Wabarakaatuhu, Munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed, waxaan Bareyaasha Soomaaliyeed la qaybsanayaa xuska maalintan qiimaha badan. Macallimiinta Soomaaliyeed waxa ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed iyo sharafka dalka. Bareyaasha Soomaaliyeed waxa …

FARRIINTA MAALINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey Geerida -Alle ha u naxariistee- Ra’iisul Wasaare Cumar Carte Qaalib

Muqdisho, Nofeembar 18, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay -Alle ha u naxariistee- Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Marxuum Cumar Carte Qaalib oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku uu …

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey Geerida -Alle ha u naxariistee- Ra’iisul Wasaare Cumar Carte Qaalib Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo isbeddel ku sameeyey Maamulka Gobolka Banaadir

Muqdisho, Nofeembar 14, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, ahna Kuxigeenka 1-aad ee Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho, halka Cali Cabdi Wardheere loo magacaabay Ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda. Madaxweynaha oo sidoo kale tixraacaya, talo soojeedinta Golaha …

Madaxweyne Farmaajo oo isbeddel ku sameeyey Maamulka Gobolka Banaadir Read More »

Madaxweyne Farmaajo “Waxaan dalka u jihaynay doorasho

Muqdisho, Nofeembar 12, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka Dadban kaas oo Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay si wadajir ah cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen 26-kii Sebteembar 2020. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in saxiixa heshiiskan uu caddeyn buuxda u yahay sida ay uga go’an tahay Maamulka …

Madaxweyne Farmaajo “Waxaan dalka u jihaynay doorasho Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Kulan la qaatay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed

Muqdisho, Nofeember 11, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ayaa kala hadlay xoojinta doorka ay ku leeyihiin dowladnimada, horumarinta dhaqaalaha, dib u heshiisiinta iyo xoojinta midnimada Shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ee dowladdu ay siisay kobcinta doorka Haweenka ee …

Madaxweyne Farmaajo oo Kulan la qaatay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo u Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle iyo Ku-xigeenkiisa

Muqdisho, Nofeember 11, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mudane Yuusuf Axmed Hagar oo maanta ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee ka qabsoontay Hirshabeelle. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoonka, Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Guddigii Doorashooyinka Hirshabeelle …

Madaxweyne Farmaajo oo u Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle iyo Ku-xigeenkiisa Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Kulan la qaatay Qaar Ka Mid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed

Muqdisho, Nofeember 09, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa kala hadlay doorkooda ku aaddan dib u dhiska dalka, adkeynta dowladnimada, hoggaaminta iyo horumarinta bulshada. Madaxweynaha oo ka jawaabay weydiimaha dhallinyaradii kulanka ka soo qeyb galay ayaa tilmaamay in dhallinyaro badan oo …

Madaxweyne Farmaajo oo Kulan la qaatay Qaar Ka Mid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha Denmark, Ireland iyo Poland

  Muqdisho, Nofeembar 03, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Denmark, Ireland, Poland ee Soomaaliya. Danjiraha Boqortooyada Denmark Mudane Ole Thonke oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda Dalkiisa Marwo Margrethe Alexandrine ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare …

Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha Denmark, Ireland iyo Poland Read More »

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada JFS oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjireyaasha Masar iyo Jarmalka

Muqdisho, Nofeembar 01, 2020; Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Masar Mudane Maxamed Nasar iyo Safiir Ku xigeenka dowladda Jarmalka Mudane Sascha Andreas Kienzle. Safiirrada oo ugu hambalyeeyay xilka dhawaan loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa u rajeeyey ka mira-dhalinta shaqooyinka …

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada JFS oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjireyaasha Masar iyo Jarmalka Read More »

Scroll to Top