Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in deg-deg loo joojiyo dirirta dadka walaalaha ah ee ka taagan deegaannada galbeedka magaalada Kismaayo
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku tilmaamay murugo iyo uur-ku-taallo dirirta sokeeye ee ka taagan deegaanno hoos taga magaalada Kismaayo, waxa uuna ku baaqay in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda iyo dhiigga macna la’aanta ku daadanaya ee beelaha walaala ah dhexmaraya. “Innaa Lillaahi waa inaa Ileyhi raajicuun. Waa arrin aan …