War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka
Golaha Amniga Qaranka ayaa kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay magaalada Baydhabo, 3-5 Juun 2018. Shirkaas oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada, Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaa looga hadlay arrimaha Amniga Qaranka, waxaana shir-guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxaa sidoo kale, shirka ka soo qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan …