MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY ERGAYGA ARIMAHA SOMALILAND

Muqdisho,Abriil 01, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed Ergayga arimaha Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowlada Federaalka ay ka go’an tahay xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wadahadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira ee ay qabaan walaalaheenna ku nool Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Mudane Cabdikariim Xuseen guuleed ayaa khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib u heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen wadahadallada Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo qaadanayaa doorkiisa hoggaamineed ee ku saleysan xal u helidda caqabadaha ku gedaaman wadahallada.

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top