Madaxweyne Farmaajo oo Golaha Shacabka uga mahadceliyey kalsooni-siinta Ra’iisul Wasaare Rooble

Muqdisho, Sebteembar 23, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka kalsooni-siinta iyo ansixita Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu xilka u magacaabay 17-kii bishan.

Madaxweynaha oo la wadaagay Xildhibaannada Golaha Shacabka tilmaamaha uu ku soo xulay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo ka shaqeysa xaqiijinta yididiillada ay ku qabaan Shacabka Soomaaliyeed.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waa muwaadin Soomaaliyeed oo aqoonyahan ah, waayo-arag ah oo waddaniyaddiisu ay sarreyso. Waxaa laga rabaa in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo sii ambaqaadi karta howlaha muhiimka ah ee dalka hortabinta u leh.”

Codsiga Madaxweyne ee kalsooni-siinta Ra’iisul Wasaaraha kaddib, Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay yeesheen kulan kale oo gaar ah oo ay codka kalsoonida ku-siiyeen Ra’iisul Wasaaraha, iyada oo codeynta uu dibad joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxa ayna Xildhibaannadu cod buuxa ku ansixiyeen Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xuukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Kulankii Labaad ee Golaha Shacabka oo uu ku soo biiray waxa uu goob-joog ka ahaa Xasaanad-siinta Ra’iisul Wasaaraha cusub Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xilka uu u dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Kusimaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top