XAFIISKA AMNIGA QARANKA OO MUQDISHO KU QABTAY KULANKA ANSIXINTA ISRARAATIJIYADDA QARAN EE KA HOR-TAGA QARAXYADA MACMALKA AH

MUQDISHO, 15 SEBTEMBAR 2025: Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magalada Muqdisho ku qabtey sirka Ansixinta Istaraatiijiyadda Qaranka ee Ka-hortagga Qaraxyada Macmalka ah (C-IED), waxaana kasoo qayb galay Wasiiradda Gaashaandhigga mudane Axmed Macalin Fiqi,Amniga gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, La-taliyaha Amniga Qaranka Danjire Aweys Xaaji Yuusuf,Saraakiil ka socotey Ciidanka Xoogga Dalka,Booliska iyo Nabad-sugida Qaranka, sidoo kale xubno ka socday wasaradaha shaqada ku leh qorshaan, shirka waxaa goob joog ka ahaa Safiiradda Dalalka aanu saaxiibka nahay ee Maraykanka,Boqortooyadda Ingiriiska, Midowga Yurub,Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (SRSG), AUSSOM iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya ka taageera dhinaca nabad-galyada.

Wasiirka Difaaca Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirkan muhiimka ah ayaa sheegay muhiimadda ay lee dahay taageerada saaxiibada caalamiga ah wuxuuna sheegay helitaanka qalab casri ah iyo dhamaystirka staraatiijiyaddan Qaran ay tahay labo tiir oo is dhexgalaya,kuwaas oo sare u qaadaya awoodda ciidankeena iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Amniga gudaha Gen.Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil oo dhankiisana khudbad ka jeediyey shirka ayaa yiri “Istaraatiijiyaddan waa mid taariikhi ah oo si cad u qeexaysa kaalinta sharci, hay’adeed iyo farsamo ee Soomaaliya ku wajahayso khatarta qaraxyada, Waxay dhabbaha u xaaraysaa nidaam mideysan oo ilaalinaya shacabka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, La-taliyaha Amniga Qaranka Danjire Aweys ayaa sheegay istaraatiijiyad qoran iney tahay ballanqaad qaran oo muujinaya hoggaanka iyo wadajirka lagu doonayno in looga hortago qaraxyada macmalka ah, Danjire Aweys ayaa dhinaca kale tilmaamay inuu kalsooni buuxda ku qabo saaxiibada caalamka iney ku garab istaagaan hirgalinta qorshahaan Qaran.

Safiiradda Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska u jooga Soomaaliya,Wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya iyo saaxiibadda caalamka ee shirka kasoo qayb galay ayaa isku raacay qorshahan inuu yahay mid wax badan ka beddeli doono howl-galada ka hortaga qaraxyada iyo xoojinta dadaalada ay dowladda Soomaaliya ka wado gudaha dalka.

Kulankan ayaa lagu ansixiyey qoraalka istaraatijiyadda, Tani waxaa loo arkaa tallaabo weyn oo Soomaaliya u qaaday dhanka isku dubbaridka amniga, iyadoo qorshe howleedyo gaar ah lagu dabaqi doono heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed si loo xaqiijiyo fulinta istaraatiijiyadda.

DHAMMAAD

Related Posts

Leave a Reply