
Si loo helo dowladnimo Soomaaliyeed oo sal dhigata iyo bulsho Soomaaliyeed oo nabad iyo is aqbal ku wada nool waxaa lagama maarmaan ah in lahelo dowlad Soomaaliyeed oo heysata kalsoonida shacabkeeda, waxaana bud-dhig u ah Heshiis bulsho oo loo dhan yahay, oo ku qotoma mabaadi’ida talowadaagga, wada-oggolka, xurmaynta iyo qaddarinta muwaadinka iyo xuquuqdiisa iyo ixtiraamidda sharciga. Haddaba si aan taa u
xaqiijino Soomaali heshiis ah;
waxaan qaadi doonnaa talaabooyinka soo socda:

