Madaxweyne Farmaajo oo socdaal dhanka dhulka ah ku maraya Gobollada Bari iyo Nugaal

Government

Madaxweyne Farmaajo oo socdaal dhanka dhulka ah ku maraya Gobollada Bari iyo Nugaal

 

Qardho, 10 Jan 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka Nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah Gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Qardho ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey Qardho, kumanaan shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada iyaga oo ruxaya calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa meel fagaare ah kula hadlay Shacabweynaha isugu soo baxay soodhaweyntiisa, waxa uuna ku ammaanay waddaniyadda iyo rajada wanaagsan ee ay ka qabaan dalka.

"Walaalayaal soo dhaweyntiinna diirran waxa ay ka turjumeysaa in aad tihiin dad Dowladdooda jecel, annagana waxaa nagu ballan ah in aan idiin adeegno. Idinkana waxaan idinka codsaneynaa in aad taageeradiinna sii waddaan oo aad garab istaagtaan Dowladdiina."

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu dhagax dhigay dhismaha laanta Jaamacadda Ummadda ee magaalada Qardho oo ay hirgelinayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Wasiiro heer Federaal ah iyo heer Dowlad Goboleed, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Dowladda Federaalka iyo masuuliyiin kale oo qeyb ka ahaa socdaalka Nabadda, ayaa waxaa qado sharaf u sameeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo ku socdaalayey dhulka inta uu ku guda jiray safarkiisa maanta ayaa ku hakaday magaalooyin iyo deeganno ka tirsan Gobolada Nugaal iyo Bari, isagoo shacabka salaamayey xaaladahooda nololeedna ka waraysanayey

 

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax dhigay waddo isku xiri doonta Dangorayo iyo Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, kahor intii aanay gaarin Degmada Qardho.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Puntland, waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir 
Cabdinuur Maxamed Axmed 
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 
E-mail:media@presidency.gov.so

Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/ 
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/ 
Twitter: @TheVillaSomalia