Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Culumadu waa in ay bulshada u iftiimisaa dhagarta Al Shabaab iyo afkaarahooda gurracan”

Madaxweyne Farmaajo “Culumadu waa in ay bulshada u iftiimisaa dhagarta Al Shabaab iyo afkaarahooda gurracan”

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caawa la kulmay dalladaha ay ku midaysanyihiin culumada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay culumada diinta in ay dardar geliyaan kaalintooda kaga aaddan dagaalka ka dhanka ah afkaaraha xagjirnimada ah.
Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Dowladda Belgium ay u soo dirsatay Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Dowladda Belgium ay u soo dirsatay Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha danjiranimo ka guddoomay Safiirka dowladda Belgium ay u soo dirsatay Soomaaliya Mudane Nicolas Nihon.
War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka

War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka

Golaha Amniga Qaranka ayaa kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay magaalada Baydhabo, 3-5 Juun 2018. Shirkaas oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada, Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaa looga hadlay arrimaha Amniga Qaranka, waxaana shir-guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Baydhaba halkaas oo maalinta berri ah uu si rasmi ah uga furmayo Shirka Golaha Amniga Qaranka.
Madaxweyne Farmaajo oo wada hadallo la yeeshay Madaxweyne Kenyatta

Madaxweyne Farmaajo oo wada hadallo la yeeshay Madaxweyne Kenyatta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho hal cisho ah ku jooga dalka Kenya ayaa maanta wada hadallo kula yeeshay Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkan Mudane Uhuru Muigai Kenyatta.
Xil ka qaadis iyo magacaabis Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka

Xil ka qaadis iyo magacaabis Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan, waxa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.
Madaxweyne Farmaajo "Xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo"

Madaxweyne Farmaajo "Xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo"

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ku celiyay in si shuruud la'aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sameysay, walina ay waddo dadaal kasta oo lagu baajin karo in la daadiyo dhiiga dadka Soomaaliyeed.
 Madaxweyne Farmaajo "Waa in dagaalka Tuka-raq degdeg lagu joojiyaa"

Madaxweyne Farmaajo "Waa in dagaalka Tuka-raq degdeg lagu joojiyaa"

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay dagaalka saaka kasoo cusboonday deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, kaasoo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Madaxweynaha iyo Amiirka Dowladda Qatar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Madaxweynaha iyo Amiirka Dowladda Qatar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani.
Madaxweyne Jamhuuriyadda oo ay booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Qatar

Madaxweyne Jamhuuriyadda oo ay booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah.
Madaxweynaha oo ka qeybgalay munaasabadda caleema-saarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Madaxweynaha oo ka qeybgalay munaasabadda caleema-saarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qayb galay xafladda caleema-saarka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
Farriinta Madaxweynaha: Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Farriinta Madaxweynaha: Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Waxaan hambalyo halkan uga dirayaa dhammaan shaqaalaha adduunka, gaar ahaan xoogsatada Soomaaliyeed munaasabadda maalinta shaqaalaha adduunka ee 1da May.