MUDANE ABSHIR MAXAMED AXMED (BUKHAARI) OO LA WAREEGAY XILKA WASIIRU-DOWLAHA MADAXTOOYADA QARANKA

Muqdisho, Ogoosto 10, 2022; Wasiiru-dowlaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiiru-dowlihii hore Mudane Xasan Macallin Khaliif, munaasabad ku qabsoontay Villa Soomaaliya.

Wasiir Abshir Bukhaari ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka, isaga oo uga mahad-celiyey Wasiir Xasan Khaliif shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada, muddadii uu hayey xilkaas.

Dhankiisa, Wasiiru-dowlihii hore Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa ka codsaday Agaasinka, howl-wadeennada Madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee Dowladda in ay ku garab istaagaan Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada gudashada masuuliyadda loo igmaday, waxa uuna xusay aqoonta iyo khibradda Wasiir Abshir Bukhaari uu u leeyahay hannaanka shaqo iyo shaqaale ee Madaxtooyada.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo xilka u kala wareejiyey Labada Wasiir ayaa u rajeeyey Wasiir Abshir Maxamed Axmed in Alle uu u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday, isagoo soo bandhigay muhiimadda xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.

Munaasabaddan ay xilka kula kala wareegayeen Wasiiru-dowlaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed iyo Wasiiru-dowlihii hore Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa waxaa goob joog ka ahaa La-taliyeyaasha Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyada iyo hawl-wadeenno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sawirro

May be an image of 2 people and people standing

May be an image of 6 people, people sitting and people standing

May be an image of 1 person and sitting

May be an image of 2 people and people standing

 

Related Posts

Leave a Reply