MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADDA QARANKA KU QAABILAY SHEEKH CABDIRASHIID SHEEKH CALI SUUFI

Muqdisho, Nofeembar 14, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan is-xogwaraysi iyo wadatashi ah la yeeshay qaariga Soomaaliyeed Sheekh Cabdirishiid Sheekh Cali Suufi oo booqasho sharafeed ku yimi Madaxtooyadda Qaranka.
Madaxweynaha iyo Sheekha ayaa iska xog wareystay xaalada guud ee Dalka, kor u qaadidda wacyigelinta bulshada, doorka culimada ee dhismaha nabadda, adkeynta midnimada ummadda iyo ilaalinta qiyamka diinta.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay kaalinta culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin bulshada, gaar ahaan faafinta aqoonta diinta, la-dagaalanka xagjirnimada iyo xoojinta nabadgelyada.
Dhankiisa, Sheekh Cabdirishiid Cali Suufi ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha qaabilaadda wanaagsan, isagoo ugu duceeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed horumar iyo nabad.

Related Posts

Leave a Reply