Muqdisho, 22 Nofeembar 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nofeembar oo ka dhacday Garoonka Ciyaaraha Muqdisho, taas oo ay soo agaasintay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya.
Madaxweynaha oo tilmaamaya kaalinta macalinka Soomaaliyeed ayaa xusay taariikhda muhiimka ah ee macallimiintu ay ku leeyihiin horumarinta waxbarashada dalka, barbaarnta jiilal karti leh oo dhisa mustaqbalka Soomaaliya, isaga oo faray Hiddaha iyo Tacliinta Sare in ay dhameystirto tirada haran ka harsan 10,000 ee Macalin.
“Dalkaan waxaa ugu qiima badan Macallinka iyo Askariga Soomaaliyeed, Sidaas awgeed, waxaa waajib innagu ku ah in la maamuuso Macallinka, lana taageero, madaama yahay laf-dhabarta horumarka bulshada, waxaan faraya Madaxda Wasaaradda in la dhameystiro tiradii 10,000-ku ee macallin, taas oo ilaa hadda dowladdu ay shaqaaleysiisay 6,000 oo ka mid ah, kuwaas oo si buuxda u howlgala qeybaha kala duwan ee dalka, waxaan rajeynaya inta dhimaanna in si deg deg loo diyaariyo dugsiyadii ay ku shaqeyn la hayeen, lana siiyo tababar”
Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf guddoonsiiyey Bahda Waxbarashada intii ay socotay munaasabadda ayaa ku bogaadiyey macallimiinta Soomaaliyeed dadaalkooda joogtada ah iyo adkeysiga ay muujiyeen xilliydii dalka uu soo marayey duruufaha adag, isagoo sheegay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siineyso daryeelka macallinka iyo tayeynta waxbarashada dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujiyey sida ay dowlada uu hoggaamiyo uga go’an tahay in la xoojiyo aqoonta, tababarrada iyo dhiirrigelinta macallimiinta, si loo xaqiijiyo in jiilashan ay helaan waxbarasho tayo leh oo la jaanqaadaysa heerarka caalamiga ah, waxa uuna ku baraarujiyey dhallinyarada in ay yihiin hogaamiyeyaasha maanta iyo beriba ee dalkeenna.
Munaasabadda waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, hay’adaha waxbarashada, macallimiinta iyo ardayda qaar ka mid ah dugsiyada Caasimadda oo soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo lagu xusayo macallinka Soomaaliyeed.
DHAMMAAD





