MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO U SAFRAY NAIROBI SI UU UGA QEYB GALO CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA DALKA KENYA

Nayroobi, Sebteembar 12, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galaya caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Ruto ayaa gaaray magaalada Nayroobi ee caasimadda dalkaas.

Madaxweynaha oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka iyo caalamka ee ka qeyb-galaya caleema-saarka Madaxweyne William Ruto ayaa waxaa si diirran loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Kenya soo dhaweynta diirran, isagoo adkeeyey muhiimadda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Labada dal ee dariska ah

Sawirro

May be an image of 7 people, people standing, suit and indoorMay be an image of 2 people, people sitting and indoor

May be an image of 3 people, people sitting, suit and indoor

May be an image of 4 people, people sitting, suit and indoor

May be an image of 2 people, people sitting, suit and indoor

 

Related Posts

Leave a Reply