Madaxweynaha

Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida

 

H.E. Dr. Hassan Sheikh MohamudMudane Dr. Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud hadda waa Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la doortay May 2022. Waxa uu horay u soo noqday Madaxweynihii 8-aad ee Jamhuuriyadda intii u dhaxeysay 2012—2017.

Dhalashadiisa iyo Waxbarashadiisa

Madaxwayne Xasan Sheikh waxaa uu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sannadki 1955-kii. Aabbihii waxaa uu ahaa ganacsade laga yaqaanno gobolka.
Waxuu waxbarashadiisa heerka koobaad ah ka qaatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed(1981), isaga oo bartay tiknoolojidda. Heerka labaad ee Takhasuska (Masters) waxaa uu ku qaatay Technical Education(1988) Bhopal University ee India, halka uu Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobey (University of Peace) ka qaatay PhD isaga oo takhasuskiisu ahaa Cilmiga Nabadda, Maamul Wanaagga iyo Horumarinta(2022). Waxaa intaa u dheer koorsooyin uu ka qaatay Jaamacado caalami ah sida; Mennonite University iyo qaar kale. Waxaa kale oo uu heystaa Doctor of Literature (honorary), Barkatullah University (2015).

Hayaanka Horumarinta Waxbarashada

Dr. Xasan Sheikh Maxamuud, waa aabbaha ileyska waxbarasho ee xilligan cusub, waa bulsho-kaab, xilli hore magaciisa uu ku lamaannaa tababbarka iyo waxbarashada farsamo isaga oo macallin ka ahaa Iskuulka sare ee Farsamada Lafoole. Markii dambana waxaa uu u dallacay hormuudka (dean) Koleejka Tababbarka Macalimiinta ee Jaamacadda Lafoole.
1991: Burburkii Dowladda Dhexe ee Soomaaliya kaddib, waxaa aad loogu xusuustaa ololaha uu u galay la dagaallanka jahliga, isaga oo horumarinta waxbarashada ubadka Soomaaliyeed kala shaqeeyay Hay’adda Qaramada Midoobey ee UNICEF muddadii u dhaxeysay 1993-1995.
1999: Waxaa uu wax ka aasaasay, madaxna ka noqday Machadka Somali Institute of Management and Administration Development (SIMAD), oo markii dambe isku diga rogay Jaamacadda SIMAD oo uu hormuud kasii ahaa illaa sannadkii 2010.

Baraarug Bulsho

Xasan Sheekh waxaa uu ka mid ahaa aqoonyahanka dhifta ah ee burburkii kaddib dalka ku haray, kuwaas oo aan ku milmin dhibaatadii sokeeye. Keliya uma ololleyn Waxbarashada ee waxaa sidoo kale lagu xusuustaa ololihiisa nabadeynta, u kala dabqaadidda iyo heshiisiinta kooxihii ku dagaallamayey Muqdisho iyo sidii uu ugu guuleystay qaadista Khadka Cagaaran ee muddo dheer caasimadda u kala qeybliyey Koonfur iyo Waqooyi.
2001: Waxaa uu ku biiray Hay’addii CRD (Center for Research and Dialogue) isaga oo ahaa cilmibaare wax ka qora Dib u heshiisiinnada dhaca dagaallada kaddib, waxaa uu safarro ku tagay guud ahaan dalka isaga oo la fariistay dadyow kala duwan.
2008: Waxaa uu madax ka noqday shirkadda isgaarsiinta Telecom Somalia oo ahayd shirkad weyn oo xagga isgaarsiinta ah.

Dhaqdhaqaaqiisa Siyaasiga

Madaxwayne Xasan Sheikh Maxamuud inta aanu siyaasadda ku soo biirin, waxaa uu hormuud u ahaa bulshada rayidka ah in ka badan 20 sano, isaga oo qeyb ka ahaa isbadallada dhanka dowlad-dhiska loo qaadayay.2011: Waxa uu aasaasay Xisbiga Nabbada iyo Horumarka (PDP), iyada oo xubnaha PDP ay u doorteen inuu guddoomiye ka noqdo.
2012: Waxaa uu noqday madaxweynihi ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee lagu doorto gudaha Soomaaliya 42 sano kaddib, waxaa kale oo uu noqday madaxweynihi ugu horeeyey oo aanan kumeel gaar aheyn tan iyo marki ay dhacday dowladdi hore ee Soomaaliya ee uu hogaamin jiray Maxamed Siyaad Barre, sannadkii 1991.

Muddo Xileedka Koowaad: (2012-2017):

Intii lagu gudajiray muddo-xileedkiisii koowaad, Madaxwayne Xasan Sheekh waxa uu ku guuleystay meelmarinta ajandayaal waawayn oo amni, dhaqaale iyo siyaasadeed oo dalka u horseeday in uu dib uga soo kabto xaaladdii cakirnayd ee uu ku jiray inta badan xilliga Jamhuuriyadda saddexaad.

Siyaasadda: Waxaa uu Madaxwaynuhu ku guulaystay dhaqangalinta siyaasad loo dhanyahay, isaga oo dhammaystiray hannaanka federaallaynta dalka, iyada oo dhidibbada loo taagay Maamul Goboleedyada Jubbalanda, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug.

Amniga: Waxaa dib u habayn ballaaran iyo kobcinta dhanka awoodda iyo tayada lagu sameeyay Ciidammada Qalabka Sida, iyada oo lagu guulaystay in Khawaarijta laga xorreeyo deegaanno badan (Hawlgalladii Badda Cas iyo Gorgor).

Dhaqaalaha: Waxaa dib boorka looga qaaday hay’adaha dhaqaalaha oo uu ku jiro Bangiga Dhexe iyada oo dalku uu markii ugu horreysay yeeshay qoondo miisaaniyadeed. Waxaa sidoo kale la gudagalay Hannaanka Dayn Cafiska (HPIC) oo Soomaaliya u sahlay in ay muddo kaddib dib ula xirato, wada-shaqaynna ay la yeelato hay’adaha maalliyadda adduunka (IFIs).

Arrimaha Dibadda: Soomaaliya waxa muddo-xileedkii hore ee Madaxwayne Xasan Sheekh ku guulaysatay in ay si dhab ah uga baxdo kumeel-gaarnimada iyada oo xiriir diblomaasiyadeed qaangaar ah la yeelatay dalalka dariska ah iyo kuwa caalamiga. 2013-kii, waxaa ay TIME Magazine waxay Madaxwayne Xasan ku dartay liiska 100-ka qof ee ugu saameynta badan adduunka.

Muddo Xileedkii Labaad: (2022-hadda)

Muddo xileedka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa muddo kooban ku gaaray guulo taariikhi ah, oo isugu jira amniga, dhaqaalaha iyo arrimo kale.
Siyaasadda: Madaxwaynuhu isaga oo ka duulaya aragtidiisa siyaasadeed ee “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah,’’ayuu ku guulaystay in uu dib u billaabo wadashaqayntii labada heer ee Dowladda (heer federal iyo heer dowlad goboleed) kaas oo muddo hakad ku jiray. Golaha Wada-tashiga Qaran (NCC), waxa uu ku guulaystay in uu ka heshiiyo arrimo masiiri u ah dhamaaystirka daadajinta hannaanka federaalka, sida midaynta canshuurraha, federaallaynta hannaanka cadaaladda, qaybsiga khayraadka, qorshaha amniga qaranka, iyo dib u eegista dastuurka iyo dhaqangalinta doorashooyinka tooska ah. Barlamaanka Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale ansixiyay shuruuc badan oo u gogolxaaraya ka gungaarista arrimaha aan sare ku soo xusnay.
Amniga: Muddo xilheynta 2aad ee Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Dowladda Soomaaliya waxaa ay gaartay guulo militari oo waaweyn, waxaana u suurtogashay in Khawaarijta laga xoreeyo deegaanno badan oo Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, isla markaana la isku furo Xamar ilaa Xarardheere. Waxaa sidoo kale lagu guulaystay in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka ee muddada saarnayd. Waxaa kale oo lagu guulaystay in CXD ay la wareegaan amniga gudaha kadib billaabashada qorshaha lagu dhimayo Ciidamada Nabad Ilaallinta.
Dhaqaalaha: Soomaaliya oo dhammeystirtay Hannaankii Dayn Cafiska. Waxaa ay sidoo kale ku biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo sabab u noqon karta in ay hesho maalliyad dibadda ah oo qeyb ka noqota kobaca dhaqaalaha. Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka, Soomaaliya kobaca dhaqaalaha waxaa uu kordhay 0.2% 2022-kii ilaa 2.8% 2023-da, iyada oo uu gaari doono 4.3%, sannadka 2028.
Ariimaha Dibadda: Muddo xileedka labaad ee Madaxwayne Xasan Sheekh waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku guulaysatay in ay dhaqangaliso siyaasad arrimo dibad oo saldhiggeedu yahay aragtida Madaxwaynaha ee “Soomaali dunida heshiis la ah.’’ Tani waxay horseedday in dalku uu dib u hanato qiyamkii ay ku lahayd saaxada diblomaasiyada caalamka, iyada oo ku biirtay Ururka Bulshda Bariga Afrika (EAC), isla markaana noqotay xubin ka mid ah Golaha Ammanka Qaramada Midoobay 2025-2026. Sidoo kale, Soomaaliya waxa ay ku guulaysatay in laga qaado cunaqabatayntii hubka ee soddonka sano ka badan saarnayd.