Xafiiska Madaxweynaha ee Soomaaliya waxa la asaasay markii lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda Soomaaliya, koowdiiLuuliyo, 1960-kii.
Madaxweynuhu waa hoggaamiyaha dalka, astaanta midnimada, waana Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa loo doortaa muddo-xileed afar sano ah.
Muddo-xileedka Madaxweynaha markaas talada haya waxa uu ku eg yahay marka Madaxweynaha cusub ee la dooortay la wareego xafiiska.
Marka uu xilka la wareego, Madaxweynaha la doortay waxa lagu dhaariyaa Baarlamaanka hortiisa.
Dastuur ahaan, shaqada ugu horreysa ee Madaxweynuhu waa inuu soo magcaabo Ra’iisalwasaare, kaasi oo isna soo dhisayaxukuumadda. Doorka iyo masuuliyadaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku cad yihiin Dastuurka.
Qaar kamid ah masuuliyadahaasi waa;

Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan, oo ku magac dheeraa Aadan Cadde, waxa uu ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya. Waxa uu magaalada Beledweyne ku dhashay 9-kii December 1908-dii.
Madaxweyne Aadan Cadde waxa uu xilka hayey laga soo bilaabo 1-dii July, 1960-kii ilaa iyo 10-kii June, 1967-dii.
Intii aanu Madaxweye noqon, Aadan Cadde waxa uu ahaa xubin ka tirsan Ururkii Dhallinyarada ee SYL, wuxuuna sidoo kale noqday Guddoomiyihii Golaha Sharcidejinta ee xilligii daakhiliyadda.

Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxa uu ahaa Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya. Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxa uu 8-dii 1919-kii ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug
Waxa uu jagada Madaxweynennimo hayey muddadii u dhexaysay 10-kii June, 1967-dii ilaa 15-kii October, 1969-kii.
Madaxweyne Cabdirshiid Cali Sharmaarke waxa uu sidoo kale noqday Ra’iisalwasaarihii Soomaaliya muddadii u dhexaysay 12-kii July, 1960-kii ilaa 14-kii June, 1964-kii.

Mudane Maxamed Siyaad Barre waxa uu ahaa Madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Soomaaliyeed.
Madaxweyne Siyaad Barre waxa uu xilka hayay muddadii u dhexaysay 21-kii October 1969-kii ilaa 26-kii Jannaayo 1991-dii.
Mudane Siyaad Barre waxa uu sidoo kale ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna ka gaaray darajada Sarreeye Gaas

Mudane Cali Mahdi Maxamed waxa uu ahaa Madaxweynihii afraad ee Soomaaliya isaga oo xilka qabtay 26kii Jannaayo, 1991.
Mudane Cali Mahdi Maxamed waxa uu 1939-kii ku dhashay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa uu ahaa Madaxweynihii shanaad ee Soomaaliya. Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa uu 1-dii Jannaayo, 1941-dii ku dhashay magaalada Galdogob ee gobolka Mudug
Waxa uu Madaxweyne ahaa muddo afar sano ah, laga soo bilaabo sannadkii 2000 ilaa 2004.
Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa uu xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumaddii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxa uu ahaa Madaxweynihii lixaad ee Soomaaliya.
Mudane Cabdullaahi Yuusuf waxa uu xilka madaxweynennimo hayay muddadii u dhexaysay 14-kii Octobar, 2004 ilaa 29-kii December, 2008.
Waxa uu 15-kii December, 1934-tii ku dhashay magaalada Gaalkacyo.

Mudane Shariif Sheekh Axmed waxa uu ahaa Madaxweynihii toddobaad ee Soomaaliya. Waxa uu Dowladda Federaalka Soomaaliya hoggaankeeda hayay xilligii xukuumaddii kumeel-gaarka ahayda.
Waxa uu Madaxweyne ahaa muddadii u dhexaysay 31-kii August, 2009 ilaa 16-kii September, 2012.
Sheekh Shariif waxa uu ku dhashay magaalada Mahaday ee gobolka Shabeellaha Dhexe 25-kii july 1964-tii.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ahaa Madaxweynihii siddeedaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxa xilka loo dhaariyey 16-kii September, 2012, wuxuuna hayay ilaa iyo 16-kii Febraayo, 2017.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu 29-kii November 1955-kii ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo waa madaxweynihii sagaalaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa xilka loo dhaariyey 16-kii February, 2017, wuxuuna hayay ilaa 23-kii May, 2022.
Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee caasimadda JFS sannadkii 1962kii.

