Madaxtooyada

Xafiiska Madaxweynaha ee Soomaaliya

Madaxweynuhu waa hoggaamiyaha dalka, astaanta midnimada, waana Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida. Xafiiska Madaxweynaha ee Soomaaliya waxa la asaasay markii lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda Soomaaliya, koowdii Luuliyo, 1960-kii. Madaxweynihii ugu horreeyay Soomaaliya waxa uu ahaa Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan Daar. Dastuur ahaan, shaqada ugu horreysa ee Madaxweynuhu waa inuu soo magacaabo Ra’iisalwasaare, kaasi oo isna soo dhisaya xukuumadda. Doorka iyo masuuliyadaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku cad yihiin Dastuurka. Qaar kamid ah masuuliyadahaasi waa; Saxiixidda hindise-sharciyeedyada ay ansixiyaan labada aqal ee Barlamaanka, hindise-sharciyeedyadaas ayaa dabadeed noqda xeerar, Magacaabista Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah, Maxkamadda Sare iyo Garsoorayaasha kale ee heer Federaal isaga oo tixgelinaya soojeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka, iyo magacaabista Danjirayaasha isaga oo tixgelinaya soojeedinta Golaha Wasiirrada.

Madaxweynaha

Madaxweynaha hadda talada haya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. waa madaxweynihii 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana la doortay 15kii May 2022. Ka hor intaanu xilka qaban, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu horey usoo noqday madaxweynihii 8-aad ee JFS intii u dhexaysay September 2012 illaa 08-dii February 2017.

https://www.youtube.com/watch?v=d9C2vGVe2oQ