MADAXDA UGU SARREYSA DALKA OO SI WADAJIR AH ALLE UGA BARYEY IN UU CULEYSKA KA DULQAADO UMMADDA SOOMAALIYEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda ayaa salaadda Jimcaha ku oogay Masjidka Shuhadaa ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxda ayaa Alle ka baryey in uu ka dulqaado dalkeenna abaarta iyo dhibaatooyinka kale ee ay la tacaalayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, uuna mideeyo quluubteenna, naguna mannaysto naxariistiisa iyo roobab ay ku diirsadaan dadka, xoolaha iyo deegaanku.

Sawirro

May be an image of 3 people, people sitting and people standing

May be an image of 6 people, people sitting, people standing and indoorMay be an image of 2 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 3 people and people standing

 

Related Posts

Leave a Reply