Ku Saabsan Soomaaliya

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa mid kamid ah dalalka dad ahaan isku jaadka ah, waxaana ku dhaqan tiro dadweyne oo ka badan 14 milyan oo qof. Soomaaliya waxa ay ku taallaa Geeska Afrika, waxayna dhanka Galbeedka xuduud kala leedahay Itoobiya, dhanka Waqooyi Galbeedna Djibouti, dhanka Waqooyina Gacanka Cadmeed, dhanka Barina Badweynta Hindiya, dhanka Koonfur Galbeedna Kenya. Luuqadaha rasmiga ah ee dalka waa Soomaali iyo Carabi. Ilaha dhaqaale ee uga muhiimsan dalku waa; beerashada oo waxa la dhoofiyaa liinta, sinsinta iyo mooska; xoolaha iyo kalluunka iyada oo leh goobo dalxiis ahaan soo jiidasho leh oo caalami ah, goobo taariikhi ah, xeebo aan la taaban, biyadhacyo la yaab leh, buuro iyo seerayaal qaran.

Xeebta Soomaaliya ee Badweynta Hindiya waa tan ugu dheer gudaha dhulka Afrika iyo tan labaad ee ugu weyn guud ahaan Afrika maadaama oo xeebta dhererkeedu le’eeg yahay in ka badan 3,300 km, waxaana xeebaha Soomaaliya kamid yihiin kuwa ugu waxsoosaarka iyo barwaaqada badan gobolka. Soomaaliya waa dal istaraatijiyad ahaan muhiim ah, gaar ahaan marka laga fiiriyo dhanka ka faa’idaysiga fursadaha baaxadda weyn ee xeebta, taariikh ahaanna dalku waxa uu ahaa marin badeed ay isticmaali jireen ganacsatada sida Carabta, Roomaanka iyo Giriigga.

Soomaaliya waxa ay leedahay kayd khayraad oo aan la taaban oo ay kamid yihiin khayraadka badda sida saliidda iyo gaaska iyo kaydad kale ee dhanka macdanta ah. Soomaaliya waxa ay sidoo kale xubin ka tahay Xarun Goboleedka Tamarta ee (RCREEE). Soomaaliya waxa ay si joogto ah u muujisay inay tahay qaran caan ku ah xukun isku-wareejin nabdoon maadaama oo dhammaan madaxda dalku ay xukunka isugu wareejiyeen si nabad ah, laga soo bilaabo doorashooyinkii 1967dii.

Soomaaliya waa xubin qayb ka ahayd aasaaskii Midowga Afrika oo markii hore loo yaqaannay Ururka Midowga Afrika, bishii Juun ee 1974kiina Soomaaliya waxa ay Muqdisho ku martigelisay Shir Madaxeedkii Midowga Afrika ee 11aad.

Soomaaliya waxa ay dastuurkeeda meelmarisay 1961kii, sannadkii 1972diina Afka Soomaaliga ayaa la qoray. Soomaaliya waa xubin ka tirsan Ururka Iskaashiga Islaamka tan iyo 1969kii. 1974tii, Soomaaliya waxa ay noqotay xubin ka tirsan Jaamacadda Carabta.

Intii lagu gudajiray Ciyaarihii Jaambiyoonka Caalamka ee Rome ka dhacay 1987kii, Soomaaliya waxa ay soo bandhigtay awooddeeda dhanka isboortiga markii orodyahankii Soomaaliyeed ee Cabdi Bile uu taariikhda galay ka diib guushii uu ka soo hooyey tartankii orodka ee 1500 mitir.

Soomaaliya si adkaysi iyo geesinnimo ku dheehan tahay ayay dib ugu soo kabanaysaa, waxaana ay mar horeba ku guulaysatay inay si degdeg ah ula soo noqoto martabaddii saamaynta lahayd ee ay gobolka iyo caalamka ku lahayd iyada oo ah mid si xawli ah u kobcaysa, xasiloon isla markaana ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee madaxa-bannaan.