Dawladnimo

Waa muhiim inay umaddu wax wada yeelato. Nidaamka dowliga ahi waa waxa ugu horeeya ee ay lama huraanka tahay in bulshadu wada yeelato.

Dowladda aan hoggaamin doono haddii Eebe idmo, waxaa hagi doona siyaasad furan (loo dhan yahay) oo ay iska dhex arki karaan dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada. Anigoo ka faa’iideysanaya waayo aragnimadii hore. Waxaa Hadafkeena siyaasadeed ee tiirkan saldhig u ah bixinta adeeg bulsho oo dhameystiran loona siman yahay. 

Talaabooyinka aanu qaadi doonana waxaa kamid ah:

  • Dejinta siyaasad Amni oo qeexaysa istiraatiijiyada iyo qorshayaasha lagu hagayo amniga qaranka.
    Dibu habeynta hey’adaha amniga si ku saleysan heshiis bulsho iyo sharci.
  • Xoreynta deegaanada Al-Shabaab haystaan, la dagaallanka iyo ciribtirka fikirka xag jirka iyo baadigoobka xal waara oo lagu badbaadiyo nolosha da’yarta la duufsaday.
  • Taabbagelinta Garsoor madaxbannaan oo xaqiijin kara sarraynta sharciga, kuna suntan tayo iyo hufnaan, bulshaduna ku kalsoonaan karto, lana
    jaanqaadi kara nidaamka federaalka ah ee dalka ka jira.
  • Dhismaha Maxkamadda Dastuurka sida dastuurka ku cad, si xal loogu helo khilaafaadka dastuuriga ah ee soo noqnoqda.
    Awood siinta xafiisyada hantidhawrka guud, xisaabiyaha guud iyo garyaqaanka guud ee dawladda si ay u gutaan howlaha loo igmaday.
  • La dagaallanka iyo cirib-tirka musuqmaasuqa iyadoo la xoojinayo isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, lana adkaynayo maamul-wanaagga
    iyo sarraynta sharciga.
  • Bixinta adeegyada aas aasiga ah sida caafimaadka, wax barashada iyo tamarta.
  • Sameynta siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan nabad ku wada noolaansho, ixtiraam, horumar dhaqaale iyo iskaashi ganacsi.
  • Xoojinta doorka iyo mataaladda Dawladda ee fagaarayaasha heer gobol iyo heer caalami; iyadoo la dhowrayo danaha iyo karaamada qaranka.
  • Dibu habeynta iyo horumarinta wasaaradda arrimaha dibadda iyo tayeynta aqoonta iyo xirfadda diblamasiyadeed ee hawlwadeena si ay u gutaan waajibaadka baaxadda leh ee ka saaran xaqiijinta danaha nagala dhexeeya dunida inteeda kale.
  • Tayaynta iyo hufidda dublamaasiyadda iyo dublamaasiyiinta Soomaaliya.
  • Abuurista nidaam ku xiraya qurba joogta iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibedda dalkooda hooyo, kaasi oo sahlaya inay ka qayb qaataan dib-u-dhiska iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Si gaar ah waxaan u dhiirri gelinayaa soo-noqoshada aqoonyahanka qurbe-joogga ah si maskaxdooda iyo khibraddooda ay uga faa’iideeyaan dadkooda iyo dalkooda.