News

Latest updates from the Office of the President

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “CADDEY INAAD MUWAADIN SOOMAALIYEED TAHAY, WAXA UUNA KA BILAABANAYAA QAADASHADA KAARKA AQOONSIGA NIRA”

Muqdisho, Nofeembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO FURAY SHIRWEYNAHA 3-AAD EE CULIMADA SOOMAALIYEED

Muqdisho, Nofeembar 24, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SOO XIRAY SHIRWEYNAHA 1-AAD EE BAHDA CADDAALADDA SOOMAALIYA

Muqdisho, Nofeembar 23, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo...

Arrimo Mudnaan Leh

Istaraatiijiyadaha Hortabinta Leh ee Madaxweynaha

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud waxaa hagaya aragti cad oo ku addan hiigsiga Soomaaliya nabad ah, caddaalad ah, isla markaana barwaaqo ah. Ka dib markii uu xilka la wareegay, Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu waxaa uu soo bandhigay qorshihiisa siyaasadeed oo ay aas-aas u yihiin saddex tiir ama istaraatiijiyadood oo waawayn kuwaas oo dalka lagu hagayo muddo-xileedkiisa. Ajandayaashaas waxay ku salaysanyihiin himilooyinka guud ee shacabka Soomaaliyeed, waxayna udub-dhexaad u yihiin siyaasadda maamul ee Madaxwaynaha.

Adkaynta Nabbadda iyi Baahinta Cadaaladda

Adkaynta nabaddu waxay udub-dhexaad u tahay aragtida siyaasadda ee Maadaxawaynaha. Dib-u-soocelinta haybadda dowladnimo ee dalka ma hanaqaadi karto haddii uusan jirin amni la isku hallayn karo, cadaalad iyo ilaalinta sarraynta sharciga.

Horumarinta Dhaqaalaha iyo Karaanka Dadka

Iyada oo la raacayo aragtida hoggaamineed ee Madaxwaynaha, Dowladdu waxay jeexday dariiqa isku-filnaashaha iyo soo-celinta sharafka qaranka iyada oo loo marayo horurmarin dhaqaale oo waarta iyo kobcinta karaanka dadkeenna.

Midnimada Gudaha iyi Iskaashiga Dibadda

Tiirka saddexaad ee istaraatiijiyadda siyaasadeed ee Madaxwayanaha Jamhuuriyaddu waxa uu xoogga saarayaa adkaynta midnimada qaranka iyo dib u heshiisiinta iyada oo si arrinkaas la mid ah na sare loo qaadayo kaalinta Soomaaliya ee saaxadda dibloomaasiyadeed ee gobolka iyo midda caalamka.

Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Safarkayaga Qaran marnaba ma noqon mid sahlan, laakiin hal’adaygga shacabka Soomaaliyeed ayaa had iyo jeer ahaa xooggeenna ugu weyn. Maanta, uma joogno in aan ku noolaanno xusuusta taariikhdeennii hore, laakiin waxaan ka shaqaynaynaa in aan qaabayno mustaqbal midnimo, cadaalad, iyo horumar. Waa masuuliyaddeenna wadareed inaan dhisno Soomaaliya aan kala qaybsanayn oo hanata nabadda, isla markaana ka faa’iideysata karaanka jiilkeeda da’yarta ah. Aan iska diidno cabsida iyo kala qaybsanaanta, si geesinnimo leh na aan horay ugu dhaqaaqno, innaga oo ku midaysan masiirkeenna wadajirka ah. Waqtiga Soomaaliya waa hadda, waxaanna si wadajir ah u dhisi doonnaa qaran nabad ah oo barwaaqo ah

Sawirro

Diiwaanka Sawirrada Madaxtooyada Qaranka

Sawiroo kooban oo muujinaya hawlaha rasmiga ah, kulamada Madaxweynaha, iyo dhacdooyinka muhiimka ah ee qaranka ee ka dhaca Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Muuqaallo

Diiwaanka Muuqaalladda Madaxtooyada Qaranka

Muuqaallo rasmi ah oo soo bandhigaya khudbadaha Madaxweynaha, munaasabadaha qaran, iyo dhacdooyinka muhiimka ah ee la xariira Madaxtooyada.