Shirka London ee Soomaaliya

Warbixin Kooban oo ku Saabsan Shirka London

1. Waa Maxay Shirweynaha London?

Shirweynaha London ee Soomaaliya waxaa looga gol leeyahay in taageero caalami ah, oo isugu jirta mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale loogu raadiyo Soomaaliya, kaddib isbeddelkii dhawaan ka dhacay dalka ee sare u qaaday himilada iyo hamuunta ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan dowlad wax ka beddesha noloshooda.

Shirweynuhu waa fursad ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS) kusoo bandhigeyso barnaamijyadeeda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee afarta sano ee soo socota. Sidoo kale, waa fursad dahabi ah oo ay Dowladdu isugu duweyso, kuna maareyneyso taageerada caalamiga ah, si ay u noqoto mid kaabta ahamiyadaha hortabyada u leh dowladda cusub.

Shirweynaha London ma ahan mid dhaqaale loogu yaboohayo Soomaaliya, balse waa shir la doonayo in Soomaaliya aysan ka bixin raadaarka beesha caalamka, maadaama ay dhibaatooyin fara badan ka jiraan dacallada dunida.

2. Maxay Yihiin Qodobada Looga Hadlayo Shirka?

Shirka waxaa looga hadlayaa afar qodob oo aasaasi ah:

a)     Amniga

b)     Siyaasadda

c)     Kobcinta dhaqaalaha iyo ka hortagga aafooyinka

d)     Heshiiska DFS iyo Beesha Caalamka

Qodob walba oo kamid ah afarta qodob ee kor ku xusan waxaa laga diyaariyey qoraallo faahfaahsan oo qeexaya tallaabooyinka ay qaadi doonto DFS afarta sano ee soo socota, dhaqaalaha loo baahan yahay, cidda fulineysa iyo habka loo fulinayo.

Shaxda hoose ayaa faahfaahin ka bixineysa qodobbada looga arrinsanayo Shirweynaha London.


Qodobka :  Amniga

Tallaabooyinka laga doonayo DFS

1) Heshiis siyaasadeed oo xagga amniga ah: kaas oo u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada (DG), kaas oo qeexaya: (a) Heykalka hey’adaha amniga dalka ee kala ah millatariga, booliiska iyo nabad-sugidda. (b) Taliska iyo kala dambeynta ciidanka. (c) Masuuliyadda dhaqaalaha iyo agabka ciidanka

2) Dhismaha Golaha Amniga Qaranka: kaas oo noqda madal loo dhan yahay oo looga arrinsano istiraatiijiyadda, jaangoynta, hagista iyo taabbo-galinta howlaha amniga qaranka

3) Jadwalka Bixitaanka Ciidanka AMISOM oo muddo 10 sano ah joogay dalka. Jadwalkan wuxuu ka dhaqan-galayaa sanadka 2018-ka, wuxuuna ku billaabmayaa dhimista ciidanka AMISOM iyo kordhinta tirada iyo tayada ciidanka Soomaaliyeed.

4) Jadwalka Qaadista Cunaqabateynta Hubka oo Soomaaliya saarneyd 26 sano. Inkastoo la khafiifiyey sanadkii 2013-kii, haddana taasi ma horseedin in ciidanka Soomaaliyeed ay soo iibsadaan hubkii ay codowga ku jabin lahaayeen.

Wasaaraddaha  ay khuseyso

1.Wasaaradda Amniga Gudaha

2. Wasaaradda Gaashaandhigga


Qodobka : Siyaasadda

Tallaabooyinka laga doonayo DFS

1. Dardar- galinta dibu eegista iyo qabyo-tirka Dastuurka, iyadoo la tixgalinayo dhammaan xasaasiyadaha ka jira qodobbada ugu muhiimsan ee harsan sida: (a) Qeexidda awoodaha DFS & DG (b) Wadaagga ama qaybsiga khayraadka dabiiciga ah iyo dakhliga dalka (c) Qaadashada nidaam baarlamaani ah ama mid madaxweyne (d) Maqaamka caasimadda, iyo qodobbada kale ee xasaasiga ah ee harsan

2. Gaaritaanka qof iyo cod sanadka 2021, Taabbo-galinta dhammaan sharciyada iyo tallaabooyinka kale ee suurta-galin kara in doorashada soo socota la gaaro hannaanka ‘qof iyo cod’. Waxaa kamid ah tallaabooyinkaas: (a) Dhammeystirka sharciyada doorashooyinka (b) Diiwaan galinta axsaabta siyaasadeed (c) Tirokoobka shacabka (d) Sameynta aqoonsi federaal ah (f) diiwaan galinta codbixiyayaasha, IWM.

Wasaaraddaha  ay khuseyso

1. Wasaaradda Dastuurka

2. Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

3..Wasaarado kale sida: Macdanta iyo Batroolka, Maaliyadda


Qodobka : Dhaqaalaha

Tallaabooyinka laga doonayo DFS

1. Qeexidda Qaybaha Hortabyada leh; DFS waxay sameysatay Qorshaha Qaranka ee Horumarinta Dhaqaalaha, kaas oo qeexay qaybaha dhaqaalaha ee u baahan maal-gashi istiraatiiji ah, waxaana kamid ah: (a) Beeraha, xoolaha & kalluumeysiga (b) Tamarta iyo biyaha (c) Kaabayaasha aasaasiga ah, sida waddooyinka halbowlaha u ah dhaqaalaha (d) Tayeynta shaqaalaha dalka.

2. Jadwalka Cafiska Daymaha iyo Dibu soo Celinta Cilaaqaadka Hey’adaha Maaliyadda Adduunka:  Soomaaliya waxaa lagu leeyahay $5.5 bilyan, waxaana ku leh 28 dal/hey’ad. Ma awoodi karno inaan dayn cusub qaadanno haddii aanan kuwaas nalaga cafin. Sidaas darteed, waxaa la sameeyay jadwal qeexaya tallaabooyinka laga doonayo DFS si looga cafiyo amaahda lagu leeyahay, ayna u awooddo inay mid cusub qaadato. Hadafkaas waxaa lagu xaqiijin karaa 2 sano.

Wasaaraddaha  ay khuseyso

1. Wasaaradda Dastuurka

2. Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

3..Wasaarado kale sida: Macdanta iyo Batroolka, Maaliyadda


Qodobka :  Heshiiska DFS & Beesha Caalamka  

1. Heshiiskan wuxuu labada dhinac ku xakameynayaa fulinta wixii ay ballan qaadeen: Heshiiskan wuxuu beddelayaa New Deal-kii

 Wasaaraddaha  ay khuseyso

1. Wasaaradda Qorsheynta

 

3. Yaa ka qayb galaya shirweynaha London?

Go’aanka cidda ka qayb galeysa Shirweynaha London waxaa wadajir u gaaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo R/Wasaaraha. Wafdiga, oo ah mid kooban, waxaa hoggaaminaya Madaxweynaha, waxaana kamid noqon doona madaxda dowlad-goboleedyada, wasiirro kooban iyo howlwadeennada qabanqaabada shirka. Xafiiska R/Wasaaraha ayaa dhawaan lasoo xiriiri doona wasiirrada ka qayb galaya.

4. Goorma ayuu dhacayaa shirka?

Shirweynaha wuxuu qabsoomayaa 11-ka May Insha’Allah. Waxaase jiri doona laba kulan oo kooban oo dhici doona 10-ka May, waxaana looga kala hadli doonaa: (a) Ganacsiga iyo maal-gashiga. (b) Kaalinta qurbo-joogta ee dibu dhiska dalka. Sidoo kale, Madaxweynaha wuxuu kulan ballaaran la yeelan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK.