KHUDBADDA MADAXWEYNAHA EE KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA

Mar 23, 2017  عبدالفتاح محمود

Muqdisho, April 11, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay Kalfadhigii 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaannada, hawshii wanaagsanayd ee ay qabteen muddadii afarta sanno ee la soo dhaafey.